Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Adan Abdi on April 04, 2017, 09:23:11 PM

Title: Su'aal: Ismoodsiis ama waxaan jirin sawirasho?
Post by: Adan Abdi on April 04, 2017, 09:23:11 PM
Asc bahda Caafimaadka ee ee umadooda u adeega sida wanaagsan waxaan idin leeyahay ilaahay ha idinka abaal mariyo wanaaga aad u haysaan umada soomaaliyeed.
waxaam jiraa 30sano, waxaan ahay nin aan balwad iyo xumaan kale waligiis aaan soo marin waxaan ku noolahay Somaaliya.
suaashayda waxaan rabaa 2dan tusaale inaan kusoo koobo
1.gabar qaldan ayaaa laga yaabaa inaan meel xun arko waxaa laga yaabaa inaan moodo inay tahay qof aan shukaansanayay oo  mustaqbalka ka rabo waxaa dhici karta in gabadhaa meesha qaldan aan ku arkay inaysan u ekayn qofta aan la sheekaysto laakiin anaa iska dhaadhicinayo inay tahay qoftii aan mustaqbalka ka rabay taas waxay igu keentaa murug badan oo gaartay inaan isaga tago gabdhii wanaagsanayd.
2. mararka qaarkood wax xumaan ah oo aan samaynin ayaan iska dhaadhicayaa inaan sameeyay taas oo dhib iyo wal wal igu abuurto.
3.mararka qaarkood waxa aan xaqiiq ahayn ama meesha oolin ama jirin ayaa qalbiga iga soo dhaca taas oo run u qaato inay tahay
astaamaha noocaas ayaan isku arkay ilaa 2009kii marka cudurka noocaas ah maxaa loo yaqaanaa maxaana xal u ah

Title: Re: Su'aal: Ismoodsiis ama waxaan jirin sawirasho?
Post by: SomaliDoc on July 17, 2017, 12:46:45 PM
Cudurka nuucaas ah waxaa loo yaqaan Shakki iyo waswaas, afka qalaadne lagu dhaho "Delusions", hadduu shakkigaaga bato waxay saamayn kartaa noloshaada, waxaadne qaadanaysaa go'aanno aad ku degdegtay taasoo shallayto isu baddali karto, xanuunkaan shakkiga akhiiran wuxuu isu badalaa niyadjab iyo inaad bulshada ka go'did, haddii ay astaamahaan isa soo taraan waxaan kugula talin lahaa inaad dhakhtar cilminafsiga la xiriirtid si lagaaga caawiyo, quraanne isku akhri, Allane ka bari inuu xanuunka kaa qaado.

Caafimaad ayaan kuu rajanayaa, haddii aad u baahan tahay in si gooni ah laguu waraysto, talane laguu siiyo nagala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)