Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: M.Amigo on April 05, 2017, 02:27:30 PM

Title: Su'aal: Korriinka xiniyaha iyo Vericocele ka?
Post by: M.Amigo on April 05, 2017, 02:27:30 PM
Asc dhakhaatiirta sharafta leh,  waad ku mahadsan tihiin caawinta aan xadka lahayn ee aad u fidiseen ummada soomaaliyeed. Waxaa 2 sano ka hor la igu sheegay cudur la yiraahdo Vericocele third grade. Wuxuu igu dhacay oo aan anigu dareemay markaan jiray 14 ilaa 15 sano.  Hadda waxaan jiraa 20 sano. Mudadii uu igu dhacay ilaa hadda ma dareemin koriin ku dhacay xiniyahayga. Ultrasound ayaan isi saaray, volume ka xiniyahaygana waa 8cc left iyo 7cc right. Markii la hubiyey hormoonada iyo semen analysis ka waxay soo saareen normal.  Semen analysisku waa 3ml, 46million/ml, iyo 60% aad ayey u ordayaan. Diktoore arrintaan maxaa sababi kara. Runtii dhakhaatirtu arrintayda aad ayey ula yaabeen.
Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Korriinka xiniyaha iyo Vericocele ka?
Post by: SomaliDoc on July 21, 2017, 07:25:06 PM
Haddii hormoons-ka iyo shahwadu labaduba ay Normal yihiin, waax aad ka welwelshid ma lahan, umana baahnid in qalliin lagugu sameeyo.
Akhriso qoraal aan ka diyaarinnay cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0)