Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on September 23, 2007, 12:42:46 AM

Title: Dhiig Yari (Anemia)
Post by: SomaliDoc on September 23, 2007, 12:42:46 AM
(http://somalidoc.com/Topics/dhiigyari.png)

Dhiig yari waa tirada unugyada dhiigga cas-cas oo ka yar sidii caadiga ahayd.
Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jidhka oo dhan.
Marka ay tirada unugyada dhiigga cas-cas yar yihiin, ogsijiin yar ayaa soo gasha qaybaha jidhka.
Tani waxay qofka ka yeeli kartaa mid dareema in uu daallan yahay oo daciif yahay.

Sababaha
• Dhibaatooyin ka yimaada sida feerada ama birta iyo cuntooyinka kale uu jidhku u isticmaalo
• In aan la cunin cunto ay feeradu ku badan tahay
• Dhiig ka yimaada afka, hunguriga, caloosha ama xiidmaha
• Dhiig ka yimaada hoosta haweeneyda ama dhiig bax badan oo caadada ka yimaada
• Dhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha lo’da ama caanaha ariga
• Dhallaanka lagu quudiyo caano boore aan lahayn feero ama bir dheeraad ah.

Calaamadaha
Haddii aad qabto wax calaamadahaan ka mid ah, takhtarkaaga la xiriir.
• Daciif ama daal dareensan tahay
• Maqaarkaaga, faruuryaha, cirridka, indhaha dhinacyadooda, ciddiyaha ama calaacalaha gacmuhu midab beelaan.
• Indhaha oo ku madoobaado ama mugdo noqdo markaa istaagto
• War-wareer ama miyir beelid
• Neefsashada oo kugu gaabata ama feedho xanuun
• Wadnaha oo si deg deg ah u garaacma
• Dhallaanka iyo carruurta oo si gaabisa u kora

Daryeelkaaga
• Takhtarkaagu wuxuu baari doonaa si uu u ogaado sababaha dhiig yarida kuu keenay iyo in uu qorsheeyo daaweyntaada.

Daaweyntaada waxaa ku jiri kara:
• Cunidda cuntooyin caafimaad leh oo ay ka mid yihiin furuto, khudrad, rooti, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.
In aad cunto cuntooyin feeradu ku badan tahay sida khudradda caleenta ah, hilibka guduudan, looska iyo digirta.

Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu la kulmo cunto qore si laguugu qorsheeyo cuntooyin caafimaad leh.
• In aad qaadato feero kordhiye.
• Cabidda 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin walba.
• In lagu siiyo dhiig ku shubid si loo beddelo feerada iyo dhiigga kaa lumay haddii dhiig-yari siyaado ah ku hayso.

Isla markiiba aad takhtarkaaga haddii aad:
• War-wareereysid markaad istaagto
• Ay neefsashadu kugu gaaban tahay ama cadaadis feeraha aaddareemayso

Halkaan Ka Akhriso Cuntooyinka ay Birtu ku Badan Tahay (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html)

Haddii aad qabtid su'aalo la xiriira qoraalkaan, nala soo xiriir ama halkaan ku waydii.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)