Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on May 15, 2008, 01:11:37 PM

Title: Qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section)
Post by: SomaliDoc on May 15, 2008, 01:11:37 PM
(http://somalidoc.com/Topics/uurdoox.png)

Dhallida qallinka, dhakhtarku wuxuu sameyn doonaa jeexdin gumaarka korkiis ama caloosha qaybteeda hoose iyo ilmo galeenka oo laga soo bixin doono cunugga. Waa inaad maskaxda ku haysaa dhalida qallinku uu marwalba suuragal noqon karo, inkastoo haween badan suragalkaas uu mid yar yahay.

Sababaha Qalliinka

U Diyaar Garowga Qallinka
Intaan qalliinku dhicin waa inaad waxyabahan soo socda sameeysa:

Ilmaha lagu Qalay ama Uurdoox
Jeexdin ayaa lagu sameynayaa darbiga caloosha iyo ilmo galeenka. Jeexdimahaas waxay noqon karaan kor ama hoos (dherer) ama (gudub). Cunugga iyo ebidaba waxaa laga dhalinaya jeexdintaas daqiiqado yar gudahood marka qalliinka la bilaabay. Dabadeed jeexdimaha waa la xiri doona iyadoo qaadan doonta ila hal saac. Qalliinka ka dib, waxaa laguu dhigi doona qolka so naaxidda. Inta waqtigaas socdo dhiigaaga, xididkaaga xawliga neefsigaaga iyo dhayida jeexdintaba si joogta ah ayaa loo eegi doona. Waxaad fiiro u yeelan doonta dhiig bax fara badan.

Daryeelka Qalliinka Ka Dib

Uur Yeelashada Mustaqbalka
Haweenka qaarkood waxay awoodaan inay caadi u dhalaan uurarka soo socda sikasto uurdooxid loogu sameyey. Kala munaaqashood tan dhakhtarkaga.

Akriso qoraal ku saabsan Foolinta hooyada uurka leh: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4161.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4161.0.html)

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Uurdoox (ilmaha lagu qalay) [C/S]
Post by: Aamsheikh on March 29, 2012, 08:14:58 AM
2 jeer baa laygu qalay ilmo waxaana dakhtarku goaamiyay in aan qaato spinal anesthesia waxaan kala kulmay dhabarxanuun iyo luguxanuun. mararbadan waxaa moodaa in miskaha layjajabiyay. marka xigta hadii rabi idmo waxan doonayaa in aan general anesthesia qaato dhaqtarkaygu ma ogola oo wuxuu leeyahay ilmahay bay dhibaataynaysaa sabakalena iima sheegayo marka fadlan waxkaqora 2daba dhibaatooyinkooda.
waadna mahadsantihiin
Title: Re: Uurdoox (ilmaha lagu qalay) [C/S]
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 06:25:47 PM
Badanaa spinal anasthesia haddii sidii saxda ah loo sameeyo wax dhibaato ah ma keento laakiin haddii dhaawc la gaarsiiyo neerfaha maro xangullaha waxay keeni karaan calaamadaha aad ka cabanayso.

Qalliinka ilmaha waxaa u roon suuxdinka dhabarka maxaa yeelay suuxdinta guud waxay keeni kartaa in uurjiifka isagane uu suuxo oo wadna garaaciisa aad u yaraado oo uu safiican u neefsan kari waayo markii banaanka u soo baxo ama laga soo saari waayo biyihii iyo xabkii uu ku sixday.

Haddii xanuunka aad wali dareemyso la xiriir takhtarkaagii una sheeg sidii waagii laguu suuxiyay oo cirbada dhabarka lagaa galiyay xanuun qaarka dambe ah ayaad dareemeysaa, kadib wuxuu kugula taliyo arag.

Laakiin haddii xanuunkii uu kaa yaraaday oo wax dhibaato ah aadan dareemeynin hadda, hadduu eebe qadaro in aad uur qaado oo ay noqon in lagu qalo, talada takhtarkaaga yeel.
Title: Re: Qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section)
Post by: Bilan Mubarig on February 23, 2016, 07:42:28 PM
Asc walaal ad iyo adbad uu mahadsantiin adban idiin salamaya salan kadib waxan raba in an soo gudbiyo su ashayda waxaa weyan waxan ahay hoyo lagu qalay 5 carura  alaxmdulila waxaa dhiba kalama kulmiin lkn waxan uu liitaa dhabarka mudo hada laga jogo 11sano ilaa hada xanunku wuu isasii taraya waxaa ii xanunya jidhkaa odhan lafaha waxan daremaya mar walba diqad iyo xanun badan oo igaa haya dhabrka hadana waxaban maryaa inan dhulka waxaba kaa soo qadii kariin socon karin tagnan kariin waxasoo dhana waxaa igu sabab xanunka igaa haya dhabrka waxaa ii dher cadadi oo an igaa imanayn oo iska maqananaysa sanad ama 10 bil markay igaa timadana waxay soconaysa bil amaa kabadan markaa waxan raba inad ii shegtan dhibka ii haysta maa wuxuu kaa socoda qalinadi an galay mise waa mushkilad kalee oo ii haysa wll idiinko ad uu mahadsan igaa soo jawaba