Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdidheeere on August 12, 2011, 05:10:24 PM
-
asc walaalaha dhaqaadiita ahow waan idin salaamay salaan kadib walal caloosha ayan ka xanuun sadaa mar dr waxuu idiray baadhitaan dhiig mar natijadii sidan ayey soo qoreen marka inaad ii sharaxdaan ayan rabaa walal
-c reactive proteine ( in mg/1) ............... 12 n: <6
-transaminases sgot (asat, en MUI/ml à (37°).. 48 n; <37
-transaminases SGPT (alat, en MUI/ml à ( 37°) .... 57 N:<40
walalayaal isoo faah faahiya normalka iyo marka uusan normalka ahayn aad ayad u mahadsantihin walalaha qaaliga ah
-
Marka uu normalka yahay wuxuu ku qoranyahay su'aashaada hore.
Eeg tirada ka dambeysa xarafka "N" oo u dhiganta Normal.
-
asc mahadsalid dr maxuu sheegayaa hadii dhiiga kuuu san normal ahayn gas iyo calool xanuun ayaan qabaa marka maka tur jumayaa sare u ka caasi maxaase lagu dajin karaa si normalkiisa uuu unoqdo asc
-
baaritaannadaan waxay ka tarjumi karaan markii beerka uu xanuun saameeyay maadaama ay yihiin dheecaan kiimikeed oo sare u kacaan markii beerka xanuunsanyahay.
Gaas ama calool xanuun kaliya ma kiciyaan baaritaannadaas.
Fadlan hubi in baaritaanka uu yahay mid saxan, hadduu saxsan yahayne la tasho takhtarkii kuu diray sida loo ogaado waxa uu kaaga shakiyay marka horaba.
waxaa lagu dajin karaa in la daaweeyo cilladii keentay, taasoo uu fahmi karo takhtarkaaga.
Mahadsanid
-
asc walaalaha drs ka ah qiimaha iyo sharafta leh walal baadhitaan labaad ayan ku noqdey oo wax yaabo badan ay iga baadheen dhiiga ah waxaa kamid ah sgot iyo sgpt oo horay aad iigu sharaxdeen kacsanaan markaas hadana waxaad hoos ayuu udhacey sidan tan ayuuna u qoran yahay walal maxaa umalayn haysaan iguu hoos udhigay wax daawo ahna maqaadan waa sidan
transaminases sgot (asat.en mui/ml à 37°) 26 n:37
transaminases sgpt (alat.en mui/à 37°) 21 N: 40
waxaa kale walal baadhitaanada kale oo aan fahmi w aayey waa sidan iyagana walal bal isheega hadii san normal ahayn iyo waxa keenikara ilaahya ha idin ka ajar siiyeee
cholesterol total (en g/1) ......1.27
_h.d.l cholesterol (eng/1) .....0.51
-L.D.L cholesterol (en g/1) 0.64
triglycerides (en g)1).......056 N: 150
neutrophils is 53 3.922/MM3
eosinophils 1 is 74 /MM3
Basophils is 0 0/mm3
lymphocytes is 39 2.886/mm3
monocytes is 7 518/mm3
fasting glucose 0.93 N;0.70-1.05
in millimoles 5.17
walaalayaal waa sidan baadhitaanka masoo wada qorin laakin waa inta aan isdhahay waxbaa lagaaga faa iideykaraan maadaama oo dr iidiray aan af garan haynin walalahaa ayaa kuu faa iidey doona ayaan isdhahay wax yaabaha la iga baadhayayna waxaa ka mid ahaa sonkorow marka walaal waxiii aan caadigiisa ahayn iisoo faah faah faahiya iyo waxa keeni kara mid kasta hadii normalkiisa uusan ahayn ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo garan maayo waxa aan idinku abaal gudno aad ayaan oogu diirsanay webkiina baarakalaahu fiikum asc
-
Baaritaannada aad isku celisay oo hadana dabiici noqday waxaa keeni karo dhowr sabab: in xanuun aad u badnayn uu beerka kaa qabta hadane aad ka caafimaadday.
In aad horay u qaadanaysay daawooyin saameyn ku yeelan kara beerka oo hada joojisay. in baaritaankaba uusan sax ahayn ama in baaritaanka la sameeyay xilli beerka uu shaqo culus hayay tusaale ahaan adigoo soo cunay cunno dufan leh oo beerka shaqo wado markaasna ay kacsanyihiin dheecannadaas in baaritaankaan lagugu sameeyay.
Marka in aad welwesho maahan wax badan ayaa kicin kara dheecannadaan.
Midda kale baaritaannada hoose waa sadax nooc:
Afarta ugu korreysa waxaa la sameeyaa markii lagaaga shakisanyahay cudurka kolestaroolka si loo ogaado heerka ay marayaan dufannada kala gadisan oo jirkaaga soo saaro sida LDL, HDL iyo Triglyceride, wax dhib ahne kama muuqdaan. halkaan ka akhriso qoraal ka sheekeynayo cudurka kolestaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html)
Shanta baaritaan ee ku xigta waxay sheegayaan heerka uu marayo unugyada difaaca jirkaaga ee kala duwan sida Neutrophil, Bashophil, Esinophil, Lymphocyte iyo Monocyte, iyagane waa dabiic oo wax dhib ah kama muuqdaan.
Baaritaanka sadaxaad ee ugu dambeeyo waa midka sonkorta oo isagane dabiic ah markii lagaa qaaday adigoo wax soo cunin.
Sidaa darteed baaritaannada aad soo qoray wax dhib weyn ma tilmaamayaan.
Allaha ku caafiyo.
-
walaal aad iyo aad ayaad umahadsan tahay ilaahay ajar iyo xasanaad hakaasiiyo janadii fardowsana ilaahya hakaa waaraabiyo walaal dhinaca bidixda waa ixanuunaa mar marna waa iga tagaa marka hada baadhitaanka idenbaaya ee
transaminases sgot (asat.en mui/ml à 37°) 26 n:37
transaminases sgpt (alat.en mui/à 37°) 21 N: 40 sidan hada dabeeci miyaa mise wali waxbaa kujira yaransho, aah walal mahad sanid asc
-
Baaritaannadaan waa dabiici ee welwelka iska yareey.