Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kunbil2 on December 07, 2016, 05:27:51 PM

Title: Su'aal: Biyahaada uur malagu qaadi karo laakiin?
Post by: Kunbil2 on December 07, 2016, 05:27:51 PM
Asc

Walaal waxaan ahay Hooyo 4 caruur Ah soo Dhashay
Nin cusub Ayaan is qabnaa asiga Waxaa u joogto 2 caruur Ah 20 Sano wax ma uusan dhalin 3 naag ayuu guursaday waxne Illaaheey ma siin
Dhaqaatiirta waxeey ku dhaheen 50%
Ayaa janis heysataa biyahaada uur malagu qaadi karo laakiin xaaskaada waa lagu beeri karaa
Waana nin darawal bas Ah mudo 18 Sano
Marka Maxaa lagu daaweeyn karaa biyaha ninkeeyga  in ilaaheey Ilmo nasiiyo Ayaan rabnaa
Title: Re: Su'aal: Biyahaada uur malagu qaadi karo laakiin?
Post by: SomaliDoc on January 14, 2017, 03:45:27 PM
Waxay ku xiran tahay cillada shahwada lagu arkay nooca ay tahay, laakiin haddii dhakhaatiirta ay dhaheen waa lagugu beeri karaa, waxay u badan tahay cilladaasi mid la xiriirta shahwada dhaqaaqeeda ama muuqaalkeeda, laakiin ay wax bacrimin karto.

Si faahfaahin dheeraad ah kaaga siinno cillada nooca ay tahay iyo jaaniska waxa uu noqon karo, noo soo dir sawirka jawaabta baarista shahwada ee laga qaaday.

Akhriso qoraal kuu faahfaahin doona cilladaha nooca ay noqon karaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7485.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7485.0)