Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Siciid Maxamuud Cali on December 05, 2016, 10:52:08 AM

Title: Su'aal: Dhego Culays Mar mar ah?
Post by: Siciid Maxamuud Cali on December 05, 2016, 10:52:08 AM
Asc, Walaalayaal Marka hore waan idin salaamay Salaan ka dib Walaal waxaan rabaa in aan idinka mahadceliyo maqaaladaan caafimaad ee aad bulshada soomaaliyeed muhiim ugu ah, Runtii aniga wax badan ayaan ka faaiiday oo si joogta ah ayaan u akhristaa.

Walaal Suaashayda hadaan u gudbo, Waxaa jira wiil 6 jir ah aan aniga Aabo u ahay kaaso oo xaga dhiga cilad ka haysato,

Cilada haysata waxaa weeye in sanadkii ugu yaraan Afar jeer uu dhigaha ka cuslaado, Dhego culayskaana waxuu hayaa ugu yaraan 15 bari markiiba waxaana kula tacaala Malab iyo Dawooyinku isku mid ah oo aan dhowr dhakhtar oo aan geeyay ay u qoreen waana uu ku caafimaada oo si caadi ah ayuu wax u maqlaa marka aan siiyo.

1. Dhego xanuun maleh
2. Qaraw maleh
3. Jabaq kale oo dhegaha ah maleh

Dhakhaatiirtu waxay dhaheen wiilku dhegihiisa waa caadi ee waxaa haya Quman,
Dabagal aan ku sameeyey waxaan ogaaday in uu dhegaha ka cuslaado marka uu ooyo wiilku ama laga xanaajiyo.
Waxaan codsanayaa in wax aad ka garataan ugu caawisaan oo waliba iga caawisaan waxa keena Dhega culayska wiilka 6 jirka ah, Waxa keena Qumanka hadii ay sababaan Dhega culays, Cuntooyinka keena Qumanka qumanka?

Siciid Maxamuud Bosaso Somaliya
Title: Re: Su'aal: Dhego Culays Mar mar ah?
Post by: Siciid Maxamuud Cali on January 03, 2017, 11:08:47 AM
Asc, Walaal suashaas aan 5/12/2016 kusoo diray wali jawaab igama siin,

Insha allah waxaan rajayn in aad suaashaas iga soo jawaaabtaan
Title: Re: Su'aal: Dhego Culays Mar mar ah?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2017, 02:36:59 PM
Caruurta qaar markay quumanka ku kacaan, way cabburmaan, dhegahane way xirmaan, taasina waxay ku timaadaan in tubooyinka dhagaha uu culeys fuulo sidaas maqalka u daciifo.

Caruurta sidaan oo kale waa laga qalaa quumanka, maxaa yeelay wuxuu saamayn ku reebaa korriimadooda, maadaama mar walba laga daaweynayo caabuq ku soo laalaabta, daawo badanne uu qaadanayo.

Su'aalaha sida u kala horeeyaan ayaan looga jawaabaa, haddii su'aal hore aad soo qortay aad codsi kadaba keento way dib dhacaysaa oo liiska maalintaa qortay ayay galaysaa, tusaale ahaan maanta waxaan ka jawaabayanay su'aalihii januay 3-deeda, sidaa ayaan ku aragnay, laakiin haddaa sugi lahayd bishii hore ayaad jawaabta heli lahayd. waxaan filayaa in aad fahantay.