Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaxshaxleey on February 08, 2016, 11:34:18 PM

Title: Su'aal: Uur sideed bil dhafay oo wali madaxa cunuga koreeyo?
Post by: Shaxshaxleey on February 08, 2016, 11:34:18 PM
asc waan  idin sallaamay dhaamaan dhaqatiirta iyo bulshada  ku xiran webka    waxaan rabaa inaan dhaqaatiirta waydiiyo waxaan ahay hooyo afar ciyala horay u dhashay hada uurki shanaad ban leeyahay allaa mahadleh kuli si caadiyaan u dhalay laakiin hada waxay dhaqaatiirta ii shegen in ilmaha madaxiisa kor jiro  oo aanu hoos usoo rogmin sideed bilna waxba ii dheer maxa keni jaro arinkaas maxaase i ga caawinkara oo aan samayn karaa si ilmaha isku soo rogo qatarse ma leedahay arintaas wax xanuuna ma qabo oo aan.ahayn in jaran jaroyinka fulidooda idhibto fadhigana igu yahay   dhib  hadan habenki casheyana aan dibiro ama daaca qurmo mar marna inaan si fiican neefta u qaadan karin baan dareemaa  inaan is laabo oo dhulka shay yaala soo qabtana waa igu dhib oo caga hayga xitaa ma gaaro  wayna i bararaan cagaha marmar   awalna waan fududaan jiray  oo diyaabahaan ma ahaan jirin
Title: Re: Su'aal: Uur sideed bil dhafay oo wali madaxa cunuga koreeyo?
Post by: SomaliDoc on February 14, 2016, 01:23:40 PM
Ilmaha is rogistooda waa wax hal daqiiqo gudahood ku dhici karo, waan aragnay hooyooyin daqiiqadii ugu dambaysay inta aysan foolan ilmaha ay is rogeen, taasi waxba haka walwalin, mana jirto wax aad samayn karto si uu cunuga isku fooraariyo ama is gadiyo.
Markii foosha kuu timaado waa laga yaabaa in dhakhtarkaaga uu ku guuleysto in cunuga oo gadiyo isagoo kor ka wareejiyo ama xagga hoose.

Daalka iyo dheeftuurka iyo caga bararka bilaha dambe ee uurka waa arrin caadi ah maadaam culeys siyaado ah aad xambaarsan tahay, haddii aad dhiig kar ama dhiig yari aad qabtid calaamadaha aad tilmaantay aad ayay u sii dareemi kartaa.
Haddii aad tahay qof la xiriiro xarumaha daryeelka uureyda, waa in aad ogaataa cadaadiska dhiigaaga iyo HB-gaaga, wixii talo ah dhakhtarkaaga ayaa ku siin doono insha'llah.