Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr Carab on July 23, 2015, 12:16:32 PM

Title: Su'aal: 30 jir aan gar u soo bixin wali?
Post by: Mr Carab on July 23, 2015, 12:16:32 PM
waan idiin salamay dhamaan magaceygu waa abdiqadar oo jooga somalia waxaan rabaa in leyga shaafiyo suaal maskaxdeyda ku wareertay waxayna udhaceysaa sidatan:
maxaa keena  nin rag ah oo dadiisu tahay 30 in uusan gar usoo bixin xitaa haduu xiiro?
ma jiraan waxyaalo usahlaayo?
        MAHADSANIDIIN
Title: Re: Su'aal: 30 jir aan gar u soo bixin wali?
Post by: SomaliDoc on July 25, 2015, 11:40:19 AM
Adigoo qaangaaray in aad gar ama shaarbo heli waydo waxay ku timaadaa laba arrin mid ka mid ah:
1- In hormoonka u qaabilsan xagga soo saarka tinta ee ragga inuu yaryahay ama cilald ka jirto, hormoonkaas oo loo yaqaanno "testosterone"
2- In hormoonka uu cillad usuan qabin laakiin ay jirto cilald dhaxal "genetic problem" oo hor istaagsan inuu jirka ka faa'idaysto hormoonkaas, labada cillad oo isla socotane way noqon kartaa.
Cillad gar la'aanta waxaa la socon karo arrimo kale haddii cillada xagga hormoonka ay tahay sida codkaaga oo khafiif ah, tinta bisqinta iyo midda shaarbaha oo aadan haynin iyadane iyo korriinka murqaha jirkaaga oo sidii laga rabay ahayn.
Waxaad u baahan tahay in aad lagu waraysto, kadibne lagu wiisiteeyo, kadibna baaritaanno laguu diro si loo ogaado ma cillad sixitaan u baahan mise waa arrin caadi ah oo soo bixitaanka oo soo daahay kaliya, wayna dhacdaa in dadka qaar uu ka soo daaho.
Takhtarka ugu habboon howshaada oo takhasuskisia arintaasi tahay waxaa loo yaqaannaa "endocrinologist" ee la xiriir fadlan.
Title: Re: Su'aal: 30 jir aan gar u soo bixin wali?
Post by: Mr Carab on July 25, 2015, 01:58:22 PM
waan kaaga mahadcelinaa sida wanagsan oo jwbta waafiga aad iiga siisay