Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu- Caisha on January 15, 2016, 09:50:51 PM

Title: Su'aal: Maxaa keena xaakada madow?
Post by: Umu- Caisha on January 15, 2016, 09:50:51 PM
Asc wr wbr
Dr su'aasheyda waxa ey tahay waxaa badnaanta isku arkaaa markaan cadeysanaya waqtigee doonta ha ahaato laakin haba u sii darnaato subaxii xaakadeyda oo qeyb ka madow, dr maxaa keena xaakada madow , ma cudur halis ah ma keeni kartaa??Maxaa u sabab ah in xaakadu qeyb ka madowdahay?? Fadlan dr iiga jawaab adigoo mahadsan waayo web web iyo walbahaar bey igu heysaa aadne waa isku weydiiyaa.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena xaakada madow?
Post by: SomaliDoc on January 21, 2016, 02:06:21 PM
Xaakada oo madow lagu arko waxaa keeno dhowr waxyaalood, waxaa kamid ah haddii aad neefsatid ama dhuqdid ama ku gasho boor ama wasakh badan oo aad ka shaqaysid meel boor badan ama shaqadaadu ay tahay dab damiye ama dadka kaawada qodo.
Haddii intaas aysan jirin waxaa keeno xanuun uu keeno jeermiska fangaska oo sambabada ku dhaco kuwaas oo ugu caansan yihin laba mid oo kala ah: Mucormycosis iyo Aspergillosis.

Waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid si lagaaga baaro cudurradaas oo dawo algaaga siiyo, waa xanuuno lagu daaweyn karo kaniiniyaal haddii aysan kugu fogaan.