Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fatxifoos on September 25, 2011, 06:47:25 PM

Title: Su'aal: Maxa lagu gartaa qofka qaba cudurka Cagaarshowga?
Post by: Fatxifoos on September 25, 2011, 06:47:25 PM
Asc walaalayaal, sln ka dib, waxan rabaa in war bixin la iga siiyo cudurka Cagaarshowga iyo sida lagu garan karo cudurkaas.

Waxan kaloo rabaa in aan ogaado gubitaanka iyo daaweynta waxa ay ku kala duwan yihiin.

Xubnaha iyo Dhaqtaradaba way u furan tahay cidii jawaab i siineysa.

Waad mahadsan tihiin dhamaantiin.
Fii Amaani Laah.
Title: Re: Su'aal: Maxa lagu gartaa qofka qaba cudurka Cagaarshowga?
Post by: CilmiSabca on September 25, 2011, 10:14:45 PM
Cudurka Cagaarshowga wuxuu ka mid yahay cudurrada ku dhaca beerka, waxaa uuna ka mid yahay cudurrada ugu fididda (faafida) badan adduunka, waxaana loo qeybiyaa saddex nooc kuwaas oo kala ah:
1- Hepatitis A Virus
    (HAV)
2- Hepatitis B
3- Iyo Hepatitis C.
Beerka oo gubta oo ay sabab u noqdaan cabitaan khamri badan, qaadka, daawooyin uusan qofku u adkeysan karin, kimikaallo uu qofku neefsado iyo sun ayaa waxaa ay keeni karaan cudurkaas Cagaarshowga.
Hepatitis A, oo isagu ka duwan kuwa kale, ma noqdo cudur qofka ku daaha oo ku noqda chronic, in kasta oo uu beerku noqonayo mid gubta oo soo barara, waxaana la sheegay in la daaweyn karo isaga oo aan khasaaro qofka u geysan.
Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in Hepatitis A uusan dib ugu soo noqon qofka uu mar ku dhaco.
Qaabka uu u fido Hepatitis A Virus darteed, waxaa uu inta badan dadka ku dhacaa xilliyada ay dilaacaan cudurrada kale ee faafa.
Cudurka Cagaarshowga waa la kala qaadaa, waxaana Virus-kiisa laga helaa saxarada taasoo qofka qaba marka uu la isticmaalo musqul iyo wixii la mid ah uu u gudbin karo qof kale. Haddii raashiin ama biyo ay ku jiraan wasakh ka timid saxaro qof qaba cudurka Cagaarshowga uu isticmaalo qof kale oo fayow, cudur siduhu si fudud ayuu ugu dhici karaa qofkaasi.
Cudur sidaha Cagaarshowga wuxuu kaloo ku faafi karaa cunidda hilibka aan si fiican u bislaanin, iyadoo sidoo kalena cudur sidahaasi la iskugu gudbiyo dhiigga la isku shubo in kasta oo aysan aad u dhicin.
Sida ay sheegayaan dhakhaatiirtu, dadka qaba cudurka Cagaarshowga waxa ay ku gudbin karaan marka uu cudurku hayo muddo todobaad kaliya ah, in kasta oo dadka qaba cudurkan aysan ka muuqan calaamaddaha lagu yaqaano cudurka Cagaarshowga, haddana ay gudbin karaan cudurka.
Khatarta cudurka Cagaarshowga waxay aad ugu badan tahay dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa uu hooseeyo heerka caafimaadka. Waxaa kale oo uu cudurkaan aad ugu badan yahay, meelaha ay dadku iskugu yimaadaan ee heerkooda caafimaad uu hooseeyo sida xabsiyada (jeelasha), meelaha dadka maskaxda ka jirani lagu daweeyo iyo goobaha kale ee ay ay dadku ku kulmaan.
Calaamaddaha lagu garan karo waxa ugu caansan beerka oo barara iyo indhaha oo yeesha midab huruud (jaalle) ah.
Gubista waxa ka roon daaweynta, si loo daweeyo qofka qaba cudurkaas, waa in marka la garto calaamaddaha cudurkaas si dhaqso ah loola xidhiidhiyo dhakhtar. Waxa jira dad badan oo aamin san in ay gubista gacmaha, beerka iyo meelo kale oo ka mid ah jirka qofka ay cudurkaan daawo u tahay, balse daawada la hubo waa mida ay dhakhtarada cudurkaas yaqaana u qoreen qofka bukaanka ah.
Fiiro gaar ah:
la socodsii dhakhtarkaaga si loo ogaado nooca cudurka uu yahay.
#somalidoc please add your advice.
Thanks.
Title: Re: Su'aal: Maxa lagu gartaa qofka qaba cudurka Cagaarshowga?
Post by: SomaliDoc on September 27, 2011, 08:35:06 PM
Warbixin dhameestiran oo ku saabsan cudurka cagaarshowga halkaan ayaad kaga bogan doontaa, wixii dheeraad ah aad qabtidne waad na weydiin kartaa.

Cagaarshowga B: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html)

Cagaarshowga C: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1781.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1781.0.html)