Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed Caydaruus on December 22, 2016, 03:00:22 PM

Title: Su'aal: Daal joogto ah oo xaga lugaha oo kaliya ah?
Post by: Axmed Caydaruus on December 22, 2016, 03:00:22 PM
Asc dr daal joogto ah oo xaga lugaha oo kaliya maxaa xal u eh dr oo daawo ahaan loo qaadan karaa mudooyinkaan dambe ayaa isku arkay daal joogto ah oo xaga lugaha ah
Title: Re: Su'aal: Daal joogto ah oo xaga lugaha oo kaliya ah?
Post by: SomaliDoc on March 01, 2017, 11:28:36 AM
Daalka laga dareemo lugaha wuxuu astaan u noqon karaa cudurro badan iyo wax aan cudur ahayn, tusaale haddii istaagnidaadu ama socodkaagu bato, maalmo waa laga yaabaa in aad lugaha ka dareento daal.

Hadduu jiro xanuun murqaha ah ama lafaha ama caabuq jirka meel ka mid ah sida caloosha oo kale waa la dareemaa daal lugaha ah, hadduu jiro xanuun isbadal ku sameeyay qaabka dabiiciga ah ee jirka u shaqeeyo sida dheecaanada hormoonka oo yaraado ama kaco, iyagane waxaa la dareemaa daal lugaha.

Sidaa darteed waxaa haboon in aad warbixin intaa ka dheer aad soo raacsiisid cabashadaada sida xilliga xanuunka uu kugu bilawday, maxaad samaysay ka hor, cudur aad isku ogtahay miyaa jira, wax daawo aad qaadatay ama aad qaadanaysid ma jiraan, astaamo kale aad dareemaysid sida caga barar, kabuubyo, wareer iyo waxyaabo kale haddii ay jiraan.