Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Galooldahir on October 19, 2016, 09:57:43 PM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay xiniyo xanuun gaar ahaan tan bidix?
Post by: Galooldahir on October 19, 2016, 09:57:43 PM
Drskayga qaali ahow , waan idin salamay waxan ahay wiil dhalinyara ah oo aan weli guursan waan ka cabanayaa waxan isku arkay xiniyo xanuun gaar ahaan tan bidix badanana waxay i xanuunta markaan dareemo marka biyomuhu igu rageen tusaale bil ama laba bilood inan biyo bax la. Aan jogo marka xiniyuhu aad ii xanuunan oo aan ka joogi waayo oo ilaa asbuuc aan u adkaysto ayaan
Siigeystaan ama galmo sameeyaa 99% waan siigaystaaa(musturbation) waagii horena raaxo ahaan baan u siigeysan jiray lkn wan iska dayey mudadan in xanuunkasi igu khasbo ma ahane
Marka suashaydu waxay tahay xanuunkaas ba i hayee maxan ku nicneeyaa
Ma noqon karta in dhagax ama wax igaga jiran
MAHADSANIDIIN
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xiniyo xanuun gaar ahaan tan bidix?
Post by: SomaliDoc on October 27, 2016, 03:28:30 PM
Waxaa arintaan loo yaqaanaa " Epididymal Hypertension " ama "Blue balls", Waa arrin si dabiici ah ragga qaarkiis ay dareemaan.
Waxay dhacdaa markii aad kacsi dareentid, biyahane aysan kaa imaan, awalne muddo 1 illaa 2 usbuuc aysan wax biyo ah kaa imaan.
Waxaa dhacdo in qulqulka dhiigga uu ku aruuro xaniinta, waxay arintaan ku dhacdaa dadka daawado wax shahwadoodo kicin karo kadibne biyaha ayaa ku xirmo, waxaana ku dhaco waxa loo yaqaano "dhiig-karka xiniinyaha", mana ahan wax halis ah, saacadaha ugu horayso ayaa laga yaabaa in xanuun siyaado ah ku qabto ama kaadida ku dhibto laakiin cadaadiska xiniinyaha fuulay tartiib ayuu kaaga yaraanayaa.

Waxaa kaloo dhici karta tubada shahwada soo qaado inay xiran tahay ama ciriiri tahay ama dhagaxa ku samaysmay, taasoo meel ay shahwada ka baxdo aysan haysan, laakiin tan ma ahan wax aad u badan, waa cillad dhif ah, qalliin ayaana lagu saxaa.

Taladaydu waa in xaaraanta iyo siigeysigak a fogaataa, haddii aadan xaas lahay, ku dadaal soonka isagaa shahwada kuu xakamayn doono inta aad ka guursanaysid.