(http://a.abcnews.com/images/Technology/ap_Laskshmi_071106_ms.jpg) | Waxaa maanta ka bilawday isbitaal lagu magacaabo "Sparsh Hospital" kuna yaalo wadanka India qaliin lagu sameynayo gabar 2 jir ah oo ku dhalatay 4 gacmood iyo 4 lugood. Gabartani oo markii ay dhalatay laga bilaabay in lagu caabudo tuulada ay ku dhalatay maadaama ay jirto ilaahad ay hindidu aaminsantahay oo leh 4 gacmood, iyadane loogu magac daray. Qaliinkaan oo ah qaliin halis ah, ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ilaa 30 dhakhtar waxa uu soconayaa muddo labo maalmood, maanta oo qeybtii ugu muhiimsaneed la sameeyay oo aheed in neerfaha iyo lafdhabarta lakala sooco. Xaaladahaan oo kale ma badno laakiin waa wax dhaco oo loo yaqaano caafimaad ahaan "parasite twins" oo in ay hooyadu ay qaaday mataano laakin mid kamid ah uusan safiican okorin oo qeybtii kori waysay uu dhuuqay kana takhalusay jirka mataanka kale. Gabadhaan waxa kale oo ay leedahay 4 kilyood, labo calool iyo 4 sanbab, tani oo ka dhigeyso hadii lagu guuleesto qaliinkii ugu caansanaa ee mataano lagu kala fujiyo. Wixii ka soo cusboonaado gadaal ayaan idinkala soo socodsiin doonaa. |