Asalamu Alaikum
Bismilahi Alraxmani Alraxim
Triage-ku waa nidaam lagu kala soocayo bukaanka baahidooda inta ay la egtahay markii aanan la heyn daawo ku wada filan.
Soocitaankaas ayaa loo yaqaan "TRIAGE" waxaana loo qeybiyaa laba nooc, mid fudud iyo mid horumarsan.
Soocitaanka Sahalan:
Waxaa la isticmaalaa markii matalan baabuur uu ku gadoomo meel ama dad lagu xabadeeyo, kuwaasoo lakala soocayo sida ay u kala daranyihiin si loola cararo isbitaalka.
marka soocitaanka sahlan waxaa loo isticmaalaa waxa loo yaqaano "Mass Casualty".
Kala soocidaas waxaa sahla midabyo la siinayo ama lagu dhajinayo bukaanka si loo garto xaaladiisa caafimaad, taasne gadaal ayaan ka sharxi doonaa.
Soocitaanka Hormarsan:
Kani badanaa waxaa ka qeyb qaata dhakhaatiirta oo go'aamiya in bukaankaan aan la daaweyn maadaama xaaladiisa aan lagu guuleysaneyn ayna qatar ay tahay.
Tani waxa ay dhici kartaa marka waxqabadka la hayo aysan ku filneyn bukaanka hal mar la wada keenay.
Bukaankaas oo badanaa laga soo daabulay meel musiibo ku habsatay sida: fulkaano qaraxday, dagaal sokeeye, baabuuro ama tareeno gadoomay.
Marka fikrada soocida hadii aan soo koobo waxa ay ku saleysantahay, in aan wax dadaal ah lagu bixin meel guul aysan ka imaaneyn hadii ay jiraan meelo kale oo la hubo.
Wuu sii socdaa mawduuca
SomaliDoc