Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdull on December 10, 2016, 06:10:06 PM

Title: Su'aal: Timaha labeerto iyo dawada loo cuno?
Post by: Abdull on December 10, 2016, 06:10:06 PM
Asc dhaqtarka iyo dhamaan inta kale oo lashaqeeyso. Salaan kadib wayadaan waxaa soo badate timaha labeerto marka waxaan rabaa labo sual oo kusaabsan arinkaas oo kala ah beerashada timaha maxeey saameyn kuyeelataa cafimaadka guud ee qofka? Tan kale waxaa maqlay marka timaha labeerto kaniini ayaa looqoraa qofka kaniinigaas oo timaha nafaqeeyo inkastoo aan kaniinigaas magaciisa haaynin marka suasha labaad kaniinigaas cafimaadka qofka wax ma udhimaa isna?  Suasha sadaxaad Madhaleeysnimasa makeenaa kaniinigaas timaha lagu kariyo?
Title: Re: Su'aal: Timaha labeerto iyo dawada loo cuno?
Post by: SomaliDoc on January 20, 2017, 08:48:40 PM
(http://somalidoc.com/Topics/hairtransplant.png)

Bismillah,

Tinta oo la beerto waa farsamo qalliin taasoo jiridka laga soo jaro qaybta fiican ee tinta si loogu beero meesha bidaarta ku taallo, waxaa badanaa farsamadaan lagu sameeyaa bidaarta dhaxalka ah, inkastoo loo adeegsan karo xaalado kale sida sunniyada, baararka indhaha, garka, xabadka si loogu qariyo dhaawacyo horay qofka u gaaray.

Waa in qofka lagu sameynaayo qalliinkaan la diraaseeyo xaaladda bidaartiisa iyo rajada ay yeelan karto inta aan la beerin ka hor, kadib ayaa go'aan la qaataa in qalliinka uu wax u tarayo iyo in kale, midda kale waa in qofkaas usbuuc ka hor qalliinka uusan qaadan wax daawo ah noocay rabto ha ahaato, waana inuusan cabin ama isticmaalin wax maandooriye ah sida sigaarka, khamriga IWM.

Badanaa qalliinkaan waa mid loo sameeyo bukaan socod ahaan, uma baahna badanaa qofka in isbitaal loo jiifiyo, waxaa la isticmaalaa kabaabiso ee lama suuxiyo qofka.

Sadax siyaabood ayaa loo sameeyaa timo beerista:

Waxyeellooyinka Beerista Timaha:
Qaabkii la isticmaalaba waxay keeni kartaa waxyeello loo yaqaano "Shock loss", taasoo ah in tinta ay dib u daadato ama khafiif noqoto ama meelo banaan ay soo baxaan. boqolkiiba 5% waxaa la qiyaasaa in qalliinka uu fashil ku dhamaado. dadka qaar ayaa tinta cusub ee la beero xasaasiyad ka qaado taasoo halis ku noqoto maqaarka iyo tinta la beeray labadaba.

Qalliinka ka dib
Tinta la beeray waxay u baahan tahay daryeel joogto ah maalmaha qalliinka ka dambeeyo si looga hortago in qalliinka uu fashilmo, waa in qoraxda laga ilaaliyaa, waa in shaambooyin khaas ah lagu dhaqaa laga bilaabo laba maalin ka dib qalliinka.
Waxaa jiro daawooyin la qaato timo beerista ka dib, inkastoo ay dhakhaatiirta ku kala duwan yihiin laakiin waxaa ugu caansan daawada loo yaqaanno "Propecia", waana daawo leh waxyeello badan aan oo horay uga hadlay, waxaadna ka akhrisan kartaa qoraalkaan:http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6487.0

Akhriso Bidaarta Cudurka Ah iyo Noocyadeeda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5726.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5726.0)
Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay, iigu soo gudbin qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)