Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 22, 2016, 03:59:10 PM

Title: Ku jooji dhiigbaxa fudud si dabiici ah (Qoraal muhiim ah..)
Post by: SomaliDoc on May 22, 2016, 03:59:10 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhiigjoojiye.png)

Bismillahi..

Waa mahadsan tihiin dhamaantiin intii ka qeyb qaadatay ka jawaabista su'aashii ahayd: "Maxaa dhiigbaxa fudud ku joojisaa markii ay gacmaha wax kaa jaraan adigoo guriga jooga?

Dhammaantiin waxaad tilmaanteen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin caleenta shaaha, qaxwada, malabka, liinta, toonta, basbaaska, dhuxusha, barafka iyo kuwa kale.

Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa kaliya walxaha dhiig-joojinta loo adeegsado oo guryaha laga helo iyadoo aan sharxayno sababta dhiigga loogu joojiyo.
Way jiraan daawo dhireed badan oo laga helo dhulkeen miyiga oo caan ku ah dhiig-joojinta iyo xinjiroobista dhaawacyada, kuwaas waqti kale ayaan ka hadli doonaa.

Laakiin waxaa muhiim ah in qof waliba uu ogaado in alle ugu talagalay in dhiigga uu iskiis u istaago oo uu u baahan yahay kaliya in la cadaadiyo meesha dhaawaca kaa gaaray, haddii dhiigga uu iskiis u xinjiroobi lahayn, waxyaabahaan aan hoos ku xusay waxba ma tareen.

Marka hadduu dhaawac fudud meel kaa gaaro, fadlan cadaadi oo farta ku hay inta uu ka xinjiroobayo oo ka istaagayo, haddii aadan haysan waxyaabahaan hoose.


Way dhici karaan in waxyaabo kale ay jiraan, laakiin intaan ayaa ugu caansan waxyaabaha guriga laga helo, loona adeegsado joojinta dhiigbaxa fudud.
Dad badan ayaa tilmaamay barafuunka iyo cadarka inay nabraha ku buufiyaan, waxaan idinkula talin lahaa in aad ka fogaataan, waa sax aalkoloada ku jirto barafuunka iyo cadarka inay jeermis dile tahay, laakiin waxaa kaloo ku jirto kiimikooyin kale oo halis caafimaad ku gelin kara haddii jirka gudaha u galaan, dadka qaarne ay xasaasiyad ka qaadaan oo keeni kara in nabarku fashfasho ama bararo ama faafo.

Ogow hadduu dhaawac fudud ku gaaro, marka hore biyo raacsii meesha kaa dhaawacantay, kadibne cadaadis saar muddo 15 daqiiqo ah, korne u haay si qulqulka dhiigga uu dib ugu hakado, hadduu dhiigbaxa intaa ku istaagi waayo fadlan la xiriir xarumaha caafimaad.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)