Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on November 29, 2015, 01:46:26 PM

Title: Su'aal: Hadeey lamaano isqabo ee ku heshiiyaan in ilma dhalis ta dib loo dhigo?
Post by: Ashom on November 29, 2015, 01:46:26 PM
Hadeey lamaano isqabo ee ku heshiiyaan in ilma dhalis ta dib loo dhigo, oo eeyna Rabin in ee dawo haba yaraatee in ee isticmaalin, ayagoo sameey naayo  sidatan.
In menida banan Ka lagu daadsho oo banan Ka loo baxsho xubinta xiliga ee soo dhowyihiin . ee  afka laga tir tiro ee tiirada labaad  la hoowl galo  ee sidii hadana la sameeyo ilaa ee galmadu Ka dhamaato . ilmo ma imaan karaan maadaama wax yaabo dhareer ah ee jiraayaan ?
Thank you somdoc
Title: Re: Su'aal: Hadeey lamaano isqabo ee ku heshiiyaan in ilma dhalis ta dib loo dhigo?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2015, 01:14:48 PM
Dareeraha ka horeeya biyo baxa ee yimaado way dhacdaa in haweenka qaar ay uur ku qaadaan laakiin ma badna, midda kale in la tirtiro oo dib loo sii wado howsha ma ahan damaanad in uur laga hortagi karo.
Halkaan ka akhriso siyaabaha uurka looga hortagi karo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5840.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5840.0.html)
Title: Re: Su'aal: Hadeey lamaano isqabo ee ku heshiiyaan in ilma dhalis ta dib loo dhigo?
Post by: Ashom on December 05, 2015, 08:01:04 PM
Majiraan kaniini hadii ragu cuno biyahooda eena waxba tareeyn  oo uur lagu yeelaneeyn in kastoo qadarta Allah  la celin Karin . iyo magaca kaniiniga .thanks
Title: Re: Su'aal: Hadeey lamaano isqabo ee ku heshiiyaan in ilma dhalis ta dib loo dhigo?
Post by: SomaliDoc on December 12, 2015, 08:09:33 PM
Illaa iyo hadda ma jiro kaniini ragga qaadan karaan oo uurka ka hortagi karo.
Inkastoo ay jiraan dhowr shirkadood oo wada cilmibaaris ku aadan arintas, midka ugu soo horreeyo hadduu suuragalo waxaa la qiyaasayaa in sanadka 2018 la suuq geyn doono waa haddii la ansixiyo oo uusan caafimaadka wax u dhibaynin.