Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sadhiq on January 31, 2018, 12:23:28 AM

Title: Su'aal: Daawooyinka sanka la iskaga shubo?
Post by: Sadhiq on January 31, 2018, 12:23:28 AM
Asc  waxan daqtarka weydinaya sual kusabasan daawayinka sanka leyskaga shubo maxey kaga duwanyahiin kuwa qeybaha kala jirka laga isiio sidha IM,IV.iwm
2. sanka dawadha ruuxa hadii lagaga shubo mxey kadalan karo oo cilad eh
3. ruuxa dawadha sanka laga shubo maskaxdha wax maudimeyso
Title: Re: Su'aal: Daawooyinka sanka la iskaga shubo?
Post by: SomaliDoc on December 11, 2018, 09:21:08 PM
Daawo walba waxaa loo sameeyaa qaabkii ugu haboonayd ee looga qaadan karo meesha loogu talagalay, tusaale ahaan daawooyinka sanka loo qaato waa kuwa toos u abaara unugyada sanka si cabburka u yaraado, laakiin haddii daawo aan loogu tali galin ku shubtid intuu jirka ka faa'idaysan lahaa dhib ayuu keenayaa, taasi waxaa la mid ah goojooyinka indhaha iyo dhagaha.

Daawooyinka badanaa sanka lagu dhibciyo waxaa loo isticmaalaa qaab buufis ah, badanaa dhibic lama isticmaalo sababtoo ah sanka way ka gudbaysaa oo dalqada ayay ka soo dhacaysaa ee ma ahan inay maskaxda u gudbayso.