Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu xandhala yuusuf on April 27, 2018, 03:30:35 PM

Title: Su'aal: Lafta garka hoosteed oo bararta?
Post by: Umu xandhala yuusuf on April 27, 2018, 03:30:35 PM
Asc dr waxaa ibararan lafta garka hoosteed mudo laba isbuuc ah marka hore xanuun ban ku qabay afkay markan muraayad ku fiiriyey quumanka hareerahood baa aad cad iinoqotay habeenkii markaan seexanayo biyo qandac oo cusbo leh ban ku luqluqanaayey qunfacna wan leyahay xoogaa waa roonaaday lkn wali bararkii lafta garka hoosteed baa jira maxaa lagu baabi'in karaa bararkas?maxaa xal ah oo igula talineysaa?uur 5biloodna wan leeyahay
Title: Re: Su'aal: Lafta garka hoosteed oo bararta?
Post by: SomaliDoc on December 21, 2018, 09:40:16 PM
Lafta garka hoosteed waxaa ku jiro qanjir, wuxuuna la bararaa infekshanka ku dhaco afka iyo hareerihiisa, wuu iska baaba'i doonaa laakiin hadduu xanuun kugu keeno, qandhane aad leedahay waxaad u baahan kartaa qallajiye ee fadlan dhakhtarka la xiriir si daawo laguugu qoro.