Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kamaal on June 18, 2018, 05:12:02 AM

Title: Su'aal: Xaaskayga farjiga hadaan u leefo ka waran?
Post by: Kamaal on June 18, 2018, 05:12:02 AM
Asc dr waxan qabaa suaal wadna ku mahadsantihiin sida aad dadka ugu soo jawaabtan dhaqso

Dr suaashayda maanta waxay tahay xaaskayga hadii aan u leefo xubinta taranka wax caafimaad daro ah ma iso waji karaan

Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Xaaskayga farjiga hadaan u leefo ka waran?
Post by: SomaliDoc on January 05, 2019, 12:18:18 AM
Anigoo ka eegayo dhinaca caafimaadka, afka oo lala galo xubinta taranka uma roono caafimaadka waxaane laga qaadi kartaa cudurro dhowr ah sida herbeska "Herpes", isfiilitada "Syphils", Jabtida "Gonorrhea", caabuqa kalamiidiyaha "Chlamydia" iyo roqorta HPV kaasoo keeni kara kansarka ku dhaca dhuunta sida ay sheegtay jamciyadda kansarka ee maraykanka.

Sidoo kale cilmibaarayaashu waxay sheegeen in qaabkaan lagu kala qaadi karo xanuunka HIV-ga inkastoo ay jaaniska in laga qaado uu badan yahay haddii qofka loo leefayo uu xanuunka qabo, laakiin qofka samaynayo hadduu isaga HIV qabo in aan laga qaadin ay dhici karto.!

Waxaa intaa sii dheer in lagu kala qaadi karo xanuunada ay keenaan gooryaannada maadaama meeshaasi ka agdhaw dahay qeybta saxarada taasoo si sahlan ugu gudbi karto ugxanta il-ma-aragtada ah ee gooryaanka iyo jeermisyada kale ee caloosha ku dhaca.

Akhriso qoraallo ku saabsan xanuunadaan kore:

HIV: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=446.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=446.0)
Jabtida: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0)
Chlamydia: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0)
Herpes: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7993.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7993.0)
Isfiilitda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1339.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1339.0)