Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ummbishaar on February 08, 2016, 08:07:28 PM

Title: Lug Xanuunka La Dareemo Xilliga Caadada..!!
Post by: Ummbishaar on February 08, 2016, 08:07:28 PM
ascwrwb salaan ka aad ayaand u mahadsan tihiin dhaqaatiirta sharafta leh waqtigooda qaaliga ah qeyb naga siiyey  noogana faaiideyey  aqoontooda ajar allaha idinka siiyo  :D
SU AASHA AAN QATO WAXAY TAHAY DHAQTAR WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG MUDO DHAN 5 SANO XANUUNKEDANA WUXUU  SAA ID YAHAY MARKAY CAADADA II IMAANAYSO DHAQTAR WAAN U TAGAY DHOWR JEER KANIINI XANUUN BAABI IYE OO KALIYA AYEY I SOO QOREEN MAXAA IGULA TALIN LAHEYD MAR KASTO BARASTAMOOL MA LA CUNI KARO?
Title: Re: Su'aal: WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG XILLIGA CAADADA?
Post by: SomaliDoc on February 14, 2016, 12:25:15 PM
(http://somalidoc.com/Topics/lugcaado.png)

Hadduu xanuunka lugta aad ka dareemayso uu yahay mid ku qabanayo waqtiga caadada, xilliga uurka iyo xilliyada jawigu qabaw yahay, waxaad u baahan tahay in aad akhrisatid qoraal aan kaga hadlay arrintaas oo ah cillad xiriir la he neerfaha sinta laguna qaldo xanuunada roomaatiisamka iyo riixa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html)

Laakiin haddii aad xanuunka dareemaysid waqtiga caadada kaliya oo waqtiyada kale uusan ku qaban, waxaa keeni karo dhowr cilladood ee si dagan u akhriso faahfaahinta hoose.

Xilliga caada waxay haweenku la kulmaan xanuuno kala duwan oo jirka laga dareemo sida majiir ubucda ah, haweenkaas qaar ka mid ah waxay la kulmaan lug xanuunkaan taasoo ku badan haweenka leh sifaatkaan inkastoo haweenka oo idil ay dareemi karaan:

Maxaa keeno lug xanuunka xilliga caadada?
Waxaa la aamisan yahay inuu xanuunkaan keeno maaddo jirka bini'aadanka ku jirto oo loo yaqaano "Prostaglandin", waxay maadadaan howsheedu tahay in minka uu soo aruuro xilliga caadada si dhiiga u soo baxo, sidaas darteed ayaana xanuunka caloosha qeybta hoose iyo dhinaca lugta ah loo dareemaa, haddii aad horay u qabtay xanuunka neerfaha sinta ku dhaca ee aan kor ku tilmaamay  wuu kugu soo kici karaa.
Maadadaan inta jirka lagu soo daayo way ku kala badan yihiin haweenka, wayna u kala nugul yihiin, waana sababta qaar ay ugu xanuunsadaan, qaarka kalane aysan waxba ku dareemin, haweenka qaar waxaa lug xanuunka ula socdo shuban, matag ama lalabo.

Nuuca sadaxaad ee lug xanuunka la dareemo xilliga caadada waxaa keeno arrimahaan hoos ku qoran:
1- Fiixda ama burada ka soo baxdo ugxan sidaha, akhriso waxa ay tahay cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html)
2- Xanuunka loo yaqaano "Endometriosis" ka akhriso halkaan waxa xanuunkaan uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2088.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2088.0.html)
3- Infekshanka minka ama tubooyinka ku dhaco, akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html)

Sidee xanuunkaan loo yareeyaa ama loola tacaalaa?

Si loo kala ogaado nuuca ay tahay lug xanuunkaaga iyo waxa keenay waxaa loo baahan yahay in warbixin dheeraad ah lagaa waydiiyo cabashadaada si loo kala sooco cilladaha kor ku xusan, kadibne talo dheeraad ah laguu siiyo, wixii faahfaahin dheeraad ah igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)

Akhriso Qoraallo Xiriir la leh:

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)