Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Faysalabdi on April 18, 2015, 07:36:29 AM

Title: Su'aal: Waxaa aad ii xanuuna cagaha hoose?
Post by: Faysalabdi on April 18, 2015, 07:36:29 AM
asc walaal aad ban idin salamay salaan kadib aad ayaa ugu mahad santihiin barnamishkaan aad u muhiim ah aad no so diyariseen qayr allaha idin ka siiyo? dhamaantiin inta isku hooshay barnamishkaan? hadaan ka gudbo walaal waxaan aad i xanuun caga hoose? waxaan ka shaqeeya shaqo taagni iyo socod badan marka waxaan rabay inaad talo iga siisaan sidaan u la tacalilahaa?
Title: Re: Su'aal: Waxaa aad ii xanuuna cagaha hoose?
Post by: SomaliDoc on April 20, 2015, 01:59:09 PM
Cagaha ma ku hurayaan oo olol miyaa dareemaysaa mise way ku xanuunayaan oo daqnasho ayaa ka dareemaysaa? Dhinacee ayayne kaa daqnanayaan, ma suulka gadaashiisa mise ciribta mise meesha dhaxe?
Miisaankaaga waa imisa? Wax xanuun ah miyaa isku ogtahay sida dhiig kar, sonkor iyo wax kalaba?