Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: HamdiHirsi on February 22, 2019, 10:56:05 AM

Title: Su'aal: Cabasho dhiiga oo iga tegay iyo xanuun?
Post by: HamdiHirsi on February 22, 2019, 10:56:05 AM
Somali doctor waa idin salaamay. Waa mahadsantihin, suashaydu waxay tahay waxa i gubay dhaqtar kadibna waxa iga tegay caadadii ilaa iyo afar bilood ma arkin oo ka bilaabmaysa malinta la igubay minka kahorna waa heli jiray,. Waxa i qabanayo xanuun caloosha qaybta hoose ah  kana bilawda dhinaca bidix ilaa iyo wareega dhan oo lugta bidixna xidid bal gudeeedkeeda ah la socdo. Xanuunka i qabanayo bisha 3 jeer oo kala fog waana daranyahay  Dhaqtaran la xariiray waxay ii sheegeen in biyo makanka ku jiran iyo in qalooc jiro. Dawooyin badan ayey ii qoreen dawadaan

Alfasid inj 1g  oo 21 xabo ah
Neo-pentron fort supp 7xabo
Diclofenic 75 mg 10 xabo

Marka dhameeyay haddana kuwan ayaa la ii qoray

Osteocare original 20 xabo
Ovacare tablet 30 xabo ah
Metris solution 6 xabo
Unacefin inj 1g 10 xabo
Buscpan tab 10 mg   20 xabo
Primolut N  30 xabo
Intaas ayaan dhamaystay waxna iskama kay bedelin.
Baaritaanaday qaadeen waxa jiro labo wax oo high ah
PLT 419 unit lagu cabiray waa 10^g/l
PCT 3.80 cabirka ml/l
 Marka diktoore minka biyaha gala waa maxay iyo qaloocu?? Labadan wax oo kacsan maxay yihin.
Maxaad talo dhaqtar ahan igu siin lahaydeen.
Waxan ahay 23 jir xaas ah, waxan horay u dhalay 3 caruur ah oo ka u yar laba jir tahay. Wax stress ah ma qabo.  Alxam noloshaydu wa degantahay 

Title: Re: Su'aal: Cabasho dhiiga oo iga tegay iyo xanuun?
Post by: SomaliDoc on November 24, 2019, 02:18:10 PM
Sababta marka hore aad isku gubtay maxay ahayd?
Baaritaannada haddii aad haysid sawir ahaan noogu soo dir boggeena Facebook.