Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on September 30, 2011, 09:42:39 AM
-
waad salaaman tihiin dhamaan dhaqaatiirta webkan salaan ka dib waxaan qabaa su.aal taas oo ah qofyar oo 9sano jira ayaa waxaa ku dhacay waxa soomaalidu u taqan tericoma mudo kusiman 5 ama 6 sano ka hor cidkastaa waan u geeyay dhaqaatiir ta qaar baa ku jawaabay ha gaadho 15 sano waa ka ba ayaa qaar baa dawo u qoray sida prednicol and ciproflaxine eye hadaan ka warbixiyo waxay samaynay saa casaan cun cun daran iyo subixii oo ay soo toosayso iyada oo ay isku dhegsan yihiin malax leeyihii aan la eegikarin markaa horta ma jirtaa tericoma mase jirtaa dadaa dhaqaatiirtu ka dhawaajiyeen waxse aad igula talinaysaa majiraan
THANKS ALL DOC
-
Trachoma waa infakshan ku dhaca indhaha oo ay keento bakteeriyo loo yaqaanno "Chlamydia Trachomatis".
Xanuunkaan waa mid dunida laga wada yaqaano, wuxuuna u badan yahay dadka dagan baadiyaha dhulalanka soo korayo, waxayna badanaa ku dahcdaa caruurta inkastoo dhaawaca ay u geysato insha la dareemo markay waynaadaan.
Cudurkan wuxuu ku faafaa taabasho toos ah taasoo ka imaan karto dareeraha indhaha, sanka ama dhuunta. tukhsiyada qaar way gudbiyaan xanuunkaan.
Claamadaha waxay bilawdaan 5 ilaa 12 maalin ka dib markii bakteeriyada isha ku dhacdo, si tartiib ah ayuu ku bilawdaa taasoo la moodo marka hore daaf caadi ah, haddiina la daaweyn isha ayuu boog ku yeelaa.
Calaamada lagu garan karo waxaa ka mid ah;
1- Caad isha fuulo
2- Indhaha oo malax ka socoto
3- Qanjirrada dhagaha hortooda ah oo bararo.
4- Baararka indhaha oo gudaha galo
5- Galka isha oo barara
Baaritaan hadii lagu sameeyo dheecaanka isha waxaa lagu arkaa bakteeriya aan kor ku soo xusay.
Daawenta waa antibiotics la qaato taasoo ka hortagto jahwareerka muddada dheer qaato waa haddii daawada waqti hore la bilaabo inta ay isha dhaawac joogto aysan gaarsiin, daawooyinka la qaato waxaa ka mid ah erythromycin iyo doxycycline, xaaladaha qaar waxaa lagu sameeyaa qallin si isha loo badbaadiyo.
Daawada qaabka loo qaato iyo in aad u baahantahayba kala xiriir takhtarkaaga.
Rajada raysashada way fiicantahay haddii waqti hore daaweyn lagu billaabo xanuunkaan.
Waxaa xanuunkaan uga hortagi kartaa adigoo nadaafadda ku dadaalo lana wadaagin asxaabtaada isticmaalka shukumaanka iyo wixii la mid ah.
Talo ahaan la xiriir takhatar ku taqassusay xanuunka indhaha "Ophthalmologist"