Somali Medical Forums

Allied Health Professions => Radiology & Medical Imaging => Topic started by: SomaliDoc on February 25, 2009, 09:48:08 PM

Title: Raajo Saarista (Taking X-ray)
Post by: SomaliDoc on February 25, 2009, 09:48:08 PM
Sawirka X-ray/Rajo waxaa weeye marka lagu sawiro ee jirkaaga gudihiisa la sawiro, si uu dhakhtarkaagu uga baaro unugyada jirkaaga iyo lafahaaga wixii dhibaato ah ee jira. Baaritaankani waa mid aan khatar ahayn, degdeg ah oo aan wax xanuun ah lahayn. Nooca sawirka ee aad u baahantahay wuxuu ku xiran yahay meesha uu dhakhtarku rabo inuu eego iyo sababta.

Haddii aad uur leedahay, amase aad ka shakisantahay sidaas, u sheeg shaqaalaha baaritaanka ka hor.

Waxaa lagaa saari karaa dharka leh qaybo bir ah, sida baddhamada iyo jinyeerka.
Waxaa kale oo lagaa saari karaa dahabka iyo muraayadda indhaha. Waxaa lagu waydiin karaa inaad xirato dharka dhakhtarka.

Inta uu socdo baadhitaankuna waxaa laga yaabaa in lagu siiyo wax culus oo kaa celin kara sawirka jirka intiisa kale ee aan la rabin in la sawiro.
Shaqaaluhu way ku caawin doonaan intaad isbaarayso, deedna waxay ka gabbanayaan marka lagu sawiraayo. Waxaa lagu waydiin karaa inaad neefsato amase aad neefta isku celiso in yar. Dhaqdhaqaaqu wuxuu kharibi karaa sawirka.
Inta badan sawirkani waqti yar oo dhowr minit ah buu u baahanyahay.

Baadhitaanka ka dib natiijada baaritaanka waxaa loo dirayaa dhakhtarkaaga. Isaga ayaa kuu sheegi doona wixii ka soo baxay.

Haddii aad qabto su'aal kale halkaan ka waydii
SomaliDoc