Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maskaxda => Topic started by: SomaliDoc on January 01, 2015, 05:42:10 PM

Title: Waa Maxay Neerfo? "What is the Nerve?"
Post by: SomaliDoc on January 01, 2015, 05:42:10 PM
(http://somalidoc.com/Topics/neerfo.png)

Maanta waxaan ka hadli doonnaa, qoraal ku saabsan mawduuc aan ka aaminsan nahay qaladaad badan.
Siyaabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa kalmadda loo yaqaan "Neerfo" ama "Nerve", tusaale ahaan: Neerfo ayaan qabaa, Neerfo ayaa igu kacsan & Neerfaa lugta ama gacanta iga hayo.

Talow Neefaha la sheego muxuu yahay?

Waa Maxay Neerfo (Nerves)?

Neerfaha (Nerves), Afsoomaali ahaan micnihiisu waa "Dareen-Side", wuxuu xambaaraa dhambaalka u dhaxeeya maskaxda iyo xubnaha jirka, Dareen-siduhu waa wax ilaahay jirka ku abuuray sida xididada oo kale, howshoodu waxaa ka mid ah in darenka iyo dhaqdhaqaaqa xubnaha jirka ay kontoroollaan.
Neerfaha waa filooyinka korontada oo kale, jirka meel kasta way ku jiraan oo fariimaha ayay u kala gudbiyaan xubnaha jirka iyo maskaxda.
Sidaa darteed Neerfaha ma ahan xanuun ama astaan cudur ee iyagaa xanuunno ku dhacaan.
Waa adigoo dhaha tusaale ahaan "Xididaa i haayo ama Xididaa igu kacsan" waana qalad, caafimaad ahaan.

Waa meeqo nooc Neerfaha?

Neerfaha jirka ku jira waxaa loo kala qaybiyaa laba qeybood: "Central" iyo "Peripheral" oo ah macnahoodu, neerfaha maskaxda iyo lafdhabarta oo saldhig u ah farriimaha laga soo diro jirka qeybihiisa kala duwan = "Central".
Nooca kale waa midkaan jirka qeybihiisa kale jiro ee lugaha ama gacmaha oo macnahiisu tahay "Neerfaha geesaha ama dhinacyada jirka" = "Peripheral Nerves".

Xanuunnada Neerfaha ku dhaco, Maxay yihiin?
Xanuunnada ku dhaco neerfaha aad ayay u tiro badan yihiin, waxaana jiro xanuuno ku dhaco maskaxda oo neerfaha maskaxda waxyeelleeyo, xanuuno dhabarka ku dhaco oo waxyeelleeyo neerfaha dhex maro lafdhabarta. xanuunadaas sidaan horay u soo sheegnayba waxaa la isku dhahaa "Central Nervous Diseases".
Xanuuno ku dhaco kuwa gacmaha ama lugaha oo sidooda u asiibo oo aan maskax iyo lafdahbar shaqo ku lahayn ayaa jiro waxaa loo yaqaannaa "Peripheral Nerver disases or Peripheral Neuropathy"

Yaa ka mid ah xanuunnada maskaxda ku dhaco?
Kuwa maskaxda ku dhaco waxaa ka mid ah: Qallalka, Faalijka, Meningitis ama Qoor-gooye, Cudurka Laleemada, Dhaawac maskaxda gaaro ama dhiigga oo ka xermo, Buro ka soo baxdo ama cillado kale oo badan.

Yaa ka mid ah xanuunnada neerfaha dhabarka ku dhaco?
Waxaa ka mid ah: Dabeesha (Polio), Jug ama Dhaawac, Buro ka soo baxdo ama xanuunno kale oo dhowr ah oo neefaha dhabarka inay ku dhacaan lagu yaqaanno.

Yaa ka mid ah xanuunnada neerfaha dhinacyada ee lugaha ama gacmaha?
Waxaa ka mid ah: Cabidda Khamriga, Sonkorowga, Sunta badankeed, AIDS-ka, Roomatiisamka, Daawooyinka qaar, Fitamiiin yarida qaar, Xanuuno dhaxal ah, dhaawac neerfaha gaaray iyo xanuuno kale oo aan la soo koobi karin.

Maxaa lagu gartaa inuu ku hayo xanuunnada neerfaha curyaamiyo?
Maadaama neerfaha jirka ku jiro ay howlo kala duwan qabtaan, calaamadaha aad dareemi karto waxay ku xiran tahay howsha neerfaha wax kaa gaaray.
Tusaale ahaan, hadduu Neerfaha wax kaa gaaray uu ahaa mid shaqadiisu tahay kontoroollidda dhaqdhaqaaqa jirka, wuxuu kaa dhigayaa Naafo "Paralysis"
Hadduu yahay mid la xiriira dareenka taabashada ama xanuunka ama kuleelka, waxaa kaa tagi doono dareenkaas.
Hadduu yahay mid la xiriiro kontroollida qanjirrada jirka ku jiro, waxaa dareemi kartaa dhidid la'aan.
Hadduu yahay mid kontroollo murqaha saxarada ama kaadida, waxaa dareemi kartaa in saxarada ama kaadida aadan ceshan karin.
Haddii uu yahay mid ku saabsan xasuusta ama fahamka ama garashada, waxaa dareemi doontaa hilmaan iyo maqnaansho.
Haddii ay tahay mid la xirriro fariimo qaadista waxaa dareemi doontaa qallal ama jarayn jirka.

Claamadahu aad ayay u badan yihiin wayna kala duwan yihiin, tusaale ahaan neefaha ku shaqada leh dareenka "Sensory" haddii ay wax gaaraan, siyaabo kala duwan ayaa wax u dareemi kartaa, kabuubyo in aad dareento meel jirka ka mid ah, ama in lagugu mudayo cirbado oo kale ama in jirka wax quraansho oo kale ah in ay kugu socdaan ama in aad dareento in aad gashan tahay iskaalsho ama gacmo gashi iyadoo aysan kuugu jirin iyo siyaabo kala oo ka duwanaan karo.

Sidee lagu ogaan karaa in aan qabo xanuun neerfaha saameyn karo?
Waxaad u baahan tahay in aad takhtar la xiriirtid haddii aad isku aragtid mid ka mid ah astaamaha aan kor ku soo xusay si laguu baaro.

Daawo ma leeyahay xanuunka neerfaha asiibo?
daawo way leeyihiin xanuunnada badankood, waxayna ku xiran tahay xanuunka ku hayo tusaale haddii ay sonkor tahay waa in sonkortaada la kontroolo si aysan dhaawac u gaarsiin neefaha, haddii fitamiinada qaar kugu yaryihiin khaas ahaan kuwa neerfaha ku shaqeeyaan waa in lagu siiyaa, hadduu xanuun kale yahayne waa in qaabka loogu tala galay lagaaga daaweeyo.

Haddii "Neerfo" aysan jirin, Sidee takhtarka ugu sheegaa xanuunkayga?
Sida aan horay kuugu sheegayba, "Neerfo" ma ahan xanuun, mana ahan calaamad lagu garto cudur waa wax jirka ku jiro oo haddii xanuun ku dhaco aad dareemeyso calaamadaha kor ku xusan qaarkood, haddii aad takhtar u tagto oo aad dhahdo Neerfaa i hayo ama Neerfahaa igu kacsan?!, waxba lagama fahmayo xanuunkaaga ee waxaa habboon in aad u sheegto waxa aad dareemayso sida aad u dareemayso, kadib isagaa kuu sheegi doono waxa ku hayo.
Haddii aan kuu sii jilicyo, Maskaxda biniaadanka waa sida matoorka oo kale, Neerfahane waa fiilooyinka dabka matoorka ka soo qaado ee guriga wada gaarsiinayo, haddii fiiladaas go'do ama alba fiilo ay istaabtaan, Nal kuuma shidmayo ama wuuba kaa gubanayaa ama matoorka ayaa kaa hallaabayo waxayna ku xiran tahay dhibaatada fiilada gaartay nooca ay tahay iyo inta ay la eg tahay, waa sidaa oo kale.


Ma dhici kartaa in Xanuunkayga uu wax kale noqdo?
Way dhici kartaa midda kale, xanuunnada badankood neerfaha way saameeyaan, waxaa dhici karto in xanuun murqaha ku dhaco aad qabtid sidaa daraadeed Neerfaha uu saameeyo, waxaa dhici karto in xanuun lafaha aad qabtid oo hadane saameeyn karo Neerfaha.
Xanuunnada neerfaha ku dhaco ma lahan da' u gooni ah, caruurta wuu ku dhici karaa, dhalinyarada, iyo dadka waaweynba.

Ma laga hortagi karaa xanuunnada neerfaha ku dhaca?
Ilaahay ayaa xanuunanda hayo balse taxaddar iyo dadaal buu na faray, sidaa daraaddeed Waa laga hortagi karaa haddii aad cunnadaada isku dheelli tiran tahay oo wixii neerfaha nafaqo u ah aad cunayso, khamri iyo maandooryiyaasha aad ka fogaanayso, daawooyin aanan dhakhtar kuu qorin aadan qaadanaynin, xanuunnada aad qabtidne aad daawooyinkooda sida saxda ah u qaadanaysid, takhtarkaagane aad joogto ula xiriirto.

Haddii ay jiraan su'aalo ku saabsan casharkaan, waad noo soo gdubin kartaa, waana kaaga jawaabi doonnaa insha'llah.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)