Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Cudurrada Caruurta => Topic started by: Diagnostic on January 19, 2008, 03:51:29 PM
-
- Hurdadu waxay muhiim u tahay koriinka cunugaaga
- Koriinka jirka waxaa ka qeyb qaata hormoono badan kuwaasoo la soo daayo inta badan habeenkii
- Ilmaha markii ay dhashaan, waxa ay u baahanyihiin ilaa 16 saacadood inay hurdaan, waxayna soo kacaan 2dii ama 3dii saacba si loo quudiyo
- Wixii ka bilaawdo 4 bil, ilmaha badanaa hurdadoodu way siyaadaa
- Inta u dhaxeysa 6 bil ilaa 1 sano, waxa ay hurdaan 5 ilaa 6 saac oo xariir ah
- 1 sano ilaa 5 sano waxa ay hurdaan 12 saac maalintii
- Ilmaha iskuulka dhigta waxa ay hurdaan 10 saacadood maalintii
- Waxaa kaloo aad muhiim ah in la ogaado in ilmaha ay ku kala duwanyihiin qaabka hurdada, mathalan hadii 1 sano jir uu jiifto 10 saacadood maalintii caafimaadkiisane uu fiicanyahay wax dhibaato ah ma jiraan.
- Inta ay hooyadu ka walwalin qaabka hurdada ilmaheeda, waxaa haboo in ay la sheekeysato qoysas kale si ay u ogaato farqiga u dhaxeeya hurdada ilmaha iyo koriinkoodaba.
La soco qeybaha soo socda oo ku aadan dhibaatooyinka soo waajaha hurdada ilmaha iyo sida looga hortago.
Diagnostic