Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Yassir on May 16, 2010, 01:28:21 PM

Title: Su'aal: Waa maxay stem cells?
Post by: Yassir on May 16, 2010, 01:28:21 PM
what is stem cells qexitankoda function kooda iyo waxa ay muhiim noogy yuhiin
mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Waa maxay stem cells?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2010, 10:26:54 PM
Stem cell waa unug awood u leh inuu tarmo kadibne u kala baxo unugyo nooc kala duwan leh iyo shaqo kala duwan leh.
Waxaa jira laba nooc oo stem cell. mid waxaa laga helaa uurjiifka midna dadka waaweyn.

Maadaama biniaadanka uu korriinkiisa ka bilawday hal unug kdibne unugaas tarmay waxay unugyada tarmay oo isku nooca ahaa sii kala noqdaan unugyo kala duwan, howshoodane kala duwantahay.
Tusaale ahaan: unugga isha ee ilimeynaya wuu ka duwanyahay unugga oogada  iyo unugga qanjirka oo dheecaanka soo deynaya.

Waxaa jira baaris cimiyeed oo badan oo lagu wado unuggaan Stem. maadaama fikrado badan oo soo baxay ay sheegayaan haddii unuggaas uu awood u leeyahay inuu u sii tarmi karo unugyo badan kadibne uu noqon karo nud kadibne uu xubin dhan ka samaysami karto in waxyaabo badan caafimaadka lagu soo kordhin karo.
Tusaal ahaan haddii qofka laga gooyo lugta ama laga saaro xubin kadibne lagu beero Stem cell lugtaa la gooyay dib ayay u soo kobci kartaa!!!!.

Waxaa jiro fikrado badan oo ku saabsan cilmigaan cusub ee lagu baarayo stem cells.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay stem cells?
Post by: Yassir on May 23, 2010, 12:46:19 PM
aad baad u mahadsantihiin
khayr alle ha idinka siiyo