Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abumohamed on May 03, 2010, 02:00:49 AM

Title: Su'aal: Cunaha markaan cadayanayo xubuub adag oo ur leh ayaa iga soo baxa?
Post by: Abumohamed on May 03, 2010, 02:00:49 AM
waxaa jirta su'aal uu idin weydiinayo saaxiibkay hadii aad wax dheeraada ka haysid please Dr. u soo faahfaahi adoo ka siinaya faahfaahin wanaagsan thanks.

1: Su'aal marka aan aroortii tooso waxaan isku arkaa ama aan ku arkaa cunahayga markaan cadayanayo xubuub yar yar ama waxaad moodo beed yar yar oo cad cad oo ka imanaya cunaha waa sidaan u qaataye walina yar yar mararka kale ma arko laakiin badanaa waxaan isku arkaa aroortii ama subixii hadii uu cunuhu maalintaa iyara xanuunayana waxaa badan xaaqada aan tufayo oo waxaan dareemaa in uu maalintaasna ka sii badan yahay maalmaha kale ee uu cunihu caafimaadka qabo.

Best Regards.
Title: Re: Su'aal: Cunaha markaan cadayanayo xubuub yar yar?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2010, 09:57:56 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhagaxquun.png)

Waa maxay dhagaxaanta quumanka?
Quunka waxuu ka mid yahay meelaha jirka dhagaxaantu ay ku samaysmaan sida kilyaha iyo xameetida oo kale.
Quumanku waa qanjir eebe ku abuuray cunaha, waxuuna ugu talagalay inay ka qeyb qaataan difaaca jirka waxayna la dagaalamaan wixii caabuq keeni kara oo jirka afka ka soo gala.
Quumanku waxay sidii shabaqa oo kale siriq u dhigaan jeermiska sida bakteeriyada iyo feyrasyada kala duwan.
Waana sababta ay dadka badanaa uga sheegtaan caabuqa quumanka ama ugu soo laalaabto xanuunkooda markii jeermiskii jirka laga difaaci lahaa uu ka xoog badiyo quumanka.
Halkaan ka akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay infekshanka quumanka iyo sida dabiiciga ee loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html)

Dhagaxaanta quumanku waa wax cadcad ama huruud camal ah oo adag oo dadka qaar tufaan ama xaakoodaan marka ay cadaysanayaan khaas ahaan subaxa hore waana wax aad ur badan oo dadka badanaa ka welweliyo haddii aysan aqoon u lahayn.

Dhagaxaantu waxay ka yimaadaan dhowr shey oo isku tagay kuwaasoo kala ah: jeermis, dheecaanka quumanka, unguyada difaaca jirka oo gaboobay ama dhintay. Intaas markay isku tagaan waxay noqdaan wax adag oo kuusan oo dulduleelka quumanka gala, waxaana caafimaad ahaan dhagaxaantaan loo yaqaanaa "Tonsillolith" ama "Tonsil stones"
Waxay dhagaxaantaanu ku badan yihiin dadka quumankoodu difaac joogto ah ku jiraan ama caabuqa ku soo noqnoqdo.
Badanaa dhagaxaantu waa kuwa lagu burburin karo gacanta ee ma ahan wax aad u adag, wayna ka jilicsan yihiin dhagaxaanta ku samaysma kilyaha iyo xameetida.

Maxaa lagu gartaa dhagaxaanta quumanka?
Badanaa wax calaamado ah ma lahan dhagaxaantu khaas ahaan marka ay yaryar yihiin, laakiin markii dhowr xabo ay samaysmaan ama kuwa waawayn ay noqdaan waxay keenaan calaamadaha soo socdo:

Sidee loo daaweeyaa dhagaxaanta quumanka?
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan qallinka lagu jaro quumanka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3477.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3477.0.html)

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid iigu soodir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)