Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on January 12, 2008, 12:31:34 AM

Title: Isticmaalka Sigaarka Iyo Tubaakada
Post by: SomaliDoc on January 12, 2008, 12:31:34 AM
(http://somalidoc.com/Topics/sigaarka.png)

Sigaarku wuxuu bulshada ku hayaa dhibaato baaxad wayn leh, dhakhtar kasta iyo cilmibaare kasta waxay isku waafaqsan yihiin inuu caafimaadka halis u yahay, laakiin sidaas ay tahayne, isticmaalkiisu maalinba maalinta ka dambaysa wuu sii kordhayaa, waa maandooriye halis ah oo hadduu qofka qabatimo ay adag tahay inuu joojiyo, mar walbana marka ka sii dambaysa, isticmaalkiisu wuu sii kordhiayaa illaa uu noloshaada oo idil la wareego.

Sigaarka uma roono caafimaadka, dhaqaalaha iyo dhaqanka intaba, qeyb kasta oo jirka ka mid ah wuu saameeyaa sida habdhiska neefsiga, habdhiska wadnaha iyo xididada, habdhiska dheefshiidka, habdhiska kilyaha iyo qashin saarka, habdhiska maskaxda iyo dareemaha, habdhiska lafaha iyo murqaha, wuxuu keenaa cudurro kala duwan oo halis ah, waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 50 cudur inuu bini'aadanka u keeno, habdhiska neefsashada kaliya wuxuu ku ridaa 6 cudur.

Waxaan halkaan ku soo koobi doonaa 10-ka cudur ee ugu halista badan ee laga qaado cabista sigaarka:

Sigaarka waxaa ka buuxa sun sanbabadaada geleysa marka aad sigaarka dhuuqdo. Sigaar kasta waxaa ku jira 4000 oo kiimko ah iyo 43 waxyaabood oo kansar-ka keena. Nikotiinku waa wax la qabatimo wuxuuna kor u qaadi karaa cadaadiska dhiiggaaga.

Sigaar cabiddu waxay sidoo kale halis u tahay dadka kale. Dadka aan sigaar cabbin ee ku neefsada qiiqa tubkaadu waxay ku jiraan halis la mid ah kuwa sigaar cabba.

Carruurta joogta meesha sigaarka lagu cabbayo waxay badanaa qaadaan hergeb, xiiq, jeermis gala dhegaha ama dhibaatooyinka kale ee neefsashada.

Tubaakada aan qiiqa lahayn sida midda la ruugo waxaa ku jira nikotiin ka badan kan sigaarka. Isticmaalkoodu wuxuu keeni karaa dhibco caddaan ah ama guduudan oo xanuun leh oo afka ku sameysma oo ka dibna noqon kara kansar. Kuwa isticmaala tubaakada aan qiiqa lahayn waxay badanaa qabaan dhibaato ilko sida cirridka oo gadaal u durka iyo ilkaha oo bolola oo suus galo.

Faaiidooyinka Joojinta Isticmaalka Sigaar Cabidda iyo Tubaakada

Barashada Sida loo Joojiyo
Dhakhtarkaaga kala hadal joojinta. Kaalmayso qof horay u joojiyay sigaarka kuna guulaystay. Taageero ka hel oo baro sida wax looga qabto welwelka iyo stress-ka.
Takhtarkaaga kala hadal daawooyinka iyo kaalmooyinka kale ee kaa caawinaya joojinta.

Joojinta isticmaalka tubaakadu waxay hagaajin doontaa caafimaadkaaga iyo caafimaadka kuwa hareereysan. Way adag tahay in la joojiyo, laakiin caafimaadkaaga ayaa u qalma inaad joojisa.

KU JOOJI SIGAAR-KA CABISTIISA 10 TILLAABO (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,602.msg1609.html#msg1609)
Akhriso Halista SHIISHADA oo dhalinyaro badan aaminsan yihiin inay ka halis yar tahay Sigaarka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2445.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2445.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Isticmaalka Sigaarka Iyo Tubaakada
Post by: Munim on January 12, 2008, 09:12:29 PM
Thanks SomaliDoc mowduucan. waxana ka codsanlahaay qof waliba in uu dowr ka qaato wacyigalinta sidii sigarka loo joojinlaha gaar ahaan dhalinyarada dhexdooda madama ay yihiin jiilkii intaajka samaynlahaa,lana sameeyo bararujin intii tabartada ah. shicaarna looga dhigo.                                                      SIGAARKA JOOJI SI AAD U CAFIMAADO
 
Title: Re: Isticmaalka Sigaarka Iyo Tubaakada
Post by: Waxbaro! on January 13, 2008, 07:38:58 PM
Wacyi galinta waa inaan iska bilawnaa anaga, khaas ahaan dadkeena ku lug leh caafimaadka khaas ahaan dhakhaatiir badan ayaa jira oo balwad leh, (Sigaar, Jaad iyo waxyaabo kale).

Diinteenune waxay qabtaan wax adiga aadan samayneynin dadka ha farin, maxaa yeelay waxaad suureysataa inaad u tagtay dhakhtar ku taqasusay cudurada feeraha, kadibne kugula taliyay inaad joojisid cabitaanka sigaarka, inta uu kaaga sheekeynayay dhibaatooyinka uu leeyahay ayaa waxaa aragtay inuu isagaba sigaar cabo, dhakhtarkaasi warkiisa ma qaadanaysaa??!!

Waa "MAYA", maxaa yeelay haduu leeyahay sigaarka dhibaatooyinka uu dhakhtarkaasi kuu sheegay muxuu isaga u cabayaa?, hadii uu keenayo "KANSAR" iyo cudurada kale ee laguu sheegay, dhakhtarkasi miyuusan caafimaadkiisa ka fakarayn?!

Hadii adan bukaankaaga ka waanin mushkiladan oo aad ka xishooto, inaad bukankaaga u sharaxdo dhibaatooyinka uu leeyahay sigaarka si laguu weydiinin su'aalahaas aan kor ku soo xusay, waa ceeb ka daran tii hore oo sharciga dhakhtarnimada ayaa meel uga dhacday.

Mideeda kale uma baahnid dhakhtar hadaa tahay in laguu sharxo dhibaatooyinka sigaarka caafimaadkaaga u keeni karo!.

Hadii aan su'aal idin waydiiyo akhristayaasha sharafta leh:
Dhakhtarka balwada leh ra'yigee ka heysataa?
Maxaa ka hortagan dhakhaatiirtaas inay joojiyaan balwadaas?
Dhibaatada ay bukaanka u keeni karto balwada dhakhtarkaas?

Mahadsanidiin
Waxbaro!
Title: Re: Isticmaalka Sigaarka Iyo Tubaakada
Post by: Pharmacist on January 16, 2008, 09:12:53 PM
Aniga wax dhib ah uma arko hadii dhakhtarku balwadiisa uu ka qarsanayo bukaanka uusan meesha shaqada ku isticmaalin, haduu awoodi waayo inuu iska gooyo, waxaa daran sida aad sheegtayba in hadalkaaga iyo ficilkaaga is khilaafo taasoo keeni karta in kalsoonida loo hayo dhakhtarkaas ay lunto.

Mahadsanid
Real Pharmacist
Title: Ku jooji sigaarka cabitaankiisa 10 tilaabo!
Post by: Diagnostic on January 19, 2008, 02:55:05 PM
Walaalkayga dhakhtarka ahow, waxaan kuu soo jeedinayaa sida ugu sahlan oo aad isakaga goyn kartid sigaar cabida adigoo raaca 10-kan tilaabo:

1- Dajiso khuddo aad ku joojisid sigaarka, maalin go'ane xadido si aad u joojisid cabidiisa.
2- Is mashquuli si aad isku hilmaansiisid baahida aad u qabtid sigaarka, iskana fogay baakadaha sigaarka iyo bahalada lagu damiyaba (ashtrays)
3- Biyo badan cab, waxaad agta dhigataa glass casiir (cabitaan qasan) ah, mar walbane kaboo oo ha wada cabin, casiirkane yuusan isku mid noqon (maalin liin, maalin canbo, maalin qare, maalin babaay iwm).
4- Dhaqdhaqaagaaga badi, ha noqon qof jecel raaxada, hadii meesha shaqada ay kuu dhawdahay u lugeey hadii kalane babuurka meel xoogaa fog soo dhigo, jaranjarada isticmaal inta aad fuuli laheed wiishka dabaqa. (jimicsiga wuxuu kugu saacidayaa joojinta sigaarka)
5- Safiican u fakir, hadii aad dareento xaalado ku soo waajahda markii aad sigaarka joojisid, macnaheeda maahan inaad u baahantahay lakain jirka ayaa la barayaa in la'aantiisa uu shaqeeyo (withdrawal symptoms), wax walwal ah yaysan kugu abuurin way baabi' doonaan.
6- Badal socodka noloshaada, ka fogaaw inaad wax ka iibsato dukaankii sigaarka aad ka gadan jirtay, iyo meelaha sigaarka lagu cabo.
7- Wax cudur daar ah ha ka dhigan sigaar cabida, mushkilo hadii ay ku soo waajahdo ama walwal kugu abuurmo sigaarka cudur daar haka dhigan, waxyaabo kale isku mashquuli
8- Ku saacid naftaada joojinta sigaarka, xisaabi lacagaha kaaga bixi jiray sigaarka, iyo waxyaabaha faaidada leh oo aad ku samaysan karto, kuna soo iibso.
9- Cuntada aad cunayso wax ka badal, cuntooyinkaaga fudfudud yaysan ku jirin wax dufan leh, u badnaaw khudaarta iyo frutada (raadso xanjo aanan laheen sokor ama nanac kulul)
10 - Ilaahay talo saaro waydiisane inuu kugu saacido waxaadne ogaataa hal maalin haduu ku soo maro adigoo sigaar cabin in naftaada, qoyskaada iyo bukaankaagaba ay guul u tahay (la sheekeyso dad iska joojiyay sigaarka).

Diagnostic