Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: CilmiSabca on February 04, 2018, 11:03:30 PM

Title: Noocyada Shubanka
Post by: CilmiSabca on February 04, 2018, 11:03:30 PM
Waa mowduuceennii ku saabsanaa CUDURRADA FAAFA.
Waxa aynu qormadeenaan kaga sheekeyn doonnaa, cudurka halista ah ee SHUBANKA oo ah cudur khatar ku ah bulshada.
 

Shubanku waa marxalad saddex jeer (3 mar) iyo in ka badan uu qofku dhigo saxaro jilicsan, haddii uu qofku sii wado shubanka in ka badan 3 goor muddo 24 saac ah, waxa uu sababi karaa fuuq bax (dehydration).
 Shubanku waxa uu u kala baxaa dhowr darajo oo kala ah:-
Haddii aanu mid mid u soo koobno darajooyinka shubanka, waa sidatan:-

WATER DIARRHEA
Waa marxalad 3 jeer iyo in ka badan uu qofku dhigo shuban biyo ah (Water Stool), waana shubanka ugu khatarta badan, waxaana loo yaqaannaa Cholera/Daacuun.
INFANTILE DIARRHEA
 Waa shuban biyo ah oo ay caruurtu shubmaan 3 jeer iyo in ka badan, xiliga Naas Nuujinta.
DYSENTERY DIARRHEA
 Waa marxalad uu qofka dhigo saxaro jilicsan oo dhiig leh, waxaana loo yaqaannaa Shuban Dhiig (Dysentery Diarrhea).
SUMMER DIARRHEA
 Waa shuban biyo ah oo la shubmo, caruurtuna waxa ay shubmaan xiliga Xagaaga.
PURULENT DIARRHEA
 Waa shuban ay la socoto Malax Dhiig iyo Axal iskugu jira.
ULCERATIVE DIARRHEA
 Waa shuban daran oo yimaada marka ay jiradaan xubnaha jilicsan ee Mindhicirada, waxaana loo yaqaannaa Shuban Axalleed.
NEONATAL DIARRHEA
 Waa shuban xooggan oo ay dhallaanku shubmaan xiliga hore ee dhalmada.
DENTAL DIARRHEA
 Waa shuban ay caruurtu shubmaan, xiliga ay ilkaha u soo baxayaan.
 

WAX YAABAHA SABABA:
 Shubanka, waxaa inta badan sababa jeermis
 ili-ma-aragto ah oo ay ka mid yihiin;
CALAAMADDAHA SHUBANKA:


QAABKA UU U FIDO.
 Shubanka, wuxuu ku fidaa saxarada oo afka gaadha (Feces Oral Transmission), waxaana si gaar ah u faafiya afar wax (4 F) oo kala ah:-


Kala soco Forum-kaan haddii uu Alle idmo, qeybo kale oo la xidhiidha cudurrada faafa.
 #
Fiiro Gaar ah:
 Daaweynta shubanka waa in bukaha la geeyaa xarun caafimaad si gargaar deg deg ah loogu fidiyo.
 Halkaanna ka akhriso:-
 Cudurka Shubanka Iyo Sida Loo Daaweeyo (https://is.gd/rbb25U).