(http://www.pregnancytobaby.com/wp-content/uploads/2008/07/iui-picture.jpg)
Gacan ku rimiska ama waxa loo yaqaano "Artificial Insemination" waa haweenka oo xawada iyo ugxanta oo la isku bacrimiyo galmo la'aan.
Waxaa la soo qaadaa manida isagoo fresh ah ama qallajisan (barafaysan) kadibne minka haweenka ayaa lagu tallaalaa.
Inta manida aan lagu ridin haweenta waxaa lala socdaa meertada caadada si markii ugxanta loo soo saaro haweentane diyaar u noqoto in ay uur qaadi karto loogu rido manida iyadoo la adeegsanayo silingo ama tubo loogu talo galay.
Manida waxaa la dhex dhigi karaa dhowr meel oo kala ah: Siilka, Farraatiga, Minka ama Tubooyinkaba.
Waxaan rajaynayaa in aad fikrad ka haysato qaabka loo sameeyo gacan ku rimiska.
Mahadsanid
SomaliDoc