Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on August 21, 2011, 10:27:08 PM

Title: Su'aal: Maseyrka daawo ma leeyahay?!
Post by: CilmiSabca on August 21, 2011, 10:27:08 PM
Asc Dhaqaatiirta qadarinta leh iyo memberska mudan ixtiraamka. Kuligiin Walaalayaal Ramadaan Kariim Allow Naarta Naga wada Xoree oo inoo dhaaf dambiyadeena, Ilaahayow Laylatul Qadriga na wada haleelsii. Aamiin. Intaas ka dib. Dhaqtar Maseyrka (Jealous) ama Hinaasaha ma cudur baa? Daawo-se ma leeyahay? Dabcan qodobka Maseyrka waxan ula jeedaa nooc walba oo maseyrida la xidhiidha sida;- saluugga, xasadka/ka nixida iyo dudmada uu qof ka qaado horumar uu qof kale sameeyey. Dhaqtar waxan arkay qof Maseyr daran qaba (Women) waxana ka yaabay Breakdown-ka haysta! Marka sidee Breakthrough loogu heli karaa? Waxa aanse la yaaba na hay in uu Maseyrku CUDUR yahay iyo in kale. Thanks You Somalidoc. The same 2 all members. Aqyaarey Ramadaan Kariim. Wabilaahi Towfiiq.
Title: Re: Su'aal: Maseyrka daawo ma leeyahay?!
Post by: SomaliDoc on August 26, 2011, 09:37:13 PM
(http://somalidoc.com/Topics/maseyr.png)

Maseyrka waa xaalad qofku uu dareemo xilliyada qaar laakiin haddii xad dhaaf uu noqdo wuxuu isku badalaaa cudur u baahan in la daaweeyo.

Masayrku wuxuu ka koombaa dhowr dareen oo la isku geeyay oo isugu jira; xanaaq, murugo, neceyb iyo yaqyaqsi.

Masayrku iyo xasadku waa laba dareen oo kala duwan laakiin la isku qaldo.

Masayrku wuxuu noqdo noocyo badan, tusaale ahaan:

Intaas noocba hadduu xadkooda ay dhaafaan waxay isku badalaan cudur taasoo qofku u baahanyahay in lala xiiiriyo qof aqoon u leh cilmu-nafsiga.
Hadduu maseyrku gaaro heer uu qofka waxyeello caafimaad ama mid jir ahaaneed is gaarsiin rabo, waa in lagu tiriyaa in uu cudur dhimir isku badalay, waana in daawo la siiyaa, waxyaabaha uu qofka wax isku gaarsiin karo waxaa ka mid ah: inuu cunnada diino, cabitaanka diido ama naftiisa ama caruurtiisa uu daryeeli waayo ama noloshooda halis galiyo.

Waxaa dhici karta in uu meesha yimaado dhalanteed masayr taasoo ah cudur halis ah kana mid ah cuudrrada ku dhaca maskaxda, tani macnaheedu waa in qofku uu dareemo in xaaskiisa ay khiyaaneyso ama qof kale saaxiib la tahay taasoo waxna ka jirin, laakiin isagane ama iyada ay ku qanacsanyahay in khiyaano jirta.

Xanuunkan noocaan ah wuxuu keenaa in qofka uu dilo lamaanihiisa masayrkaan wallida ah dartiis, tani waxay u baahantahay takhatar dhimirka ah in lala xiriiro si loo daaweeyo.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)