Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Torayo on November 27, 2016, 03:36:09 PM

Title: Su'aal: Ii faahfaahi kaniiniga Itraconzole?
Post by: Torayo on November 27, 2016, 03:36:09 PM
Dre waxaan rabaa inaa ii faahfaahisid kaniinka ( Intraconzole ) waxa uu yahay iyo wax yaabaha loo qaato.
Infection aya liiga daawaynaayay wuu iga dhamaan waayay markaa ayay iiso qortay 6 weeks ayu socanaa week iina 2 tab aya qadanee ayay igu dhahday dhkhtarada wali maanan qaadan ee wax halis ah miyu leeyahay dre.
Mida kale infectionka ma baabi'inaa hadii la qaato.
Title: Re: Su'aal: Ii faahfaahi kaniiniga Itraconzole?
Post by: SomaliDoc on December 22, 2016, 04:02:10 PM
Waxay ku xiran tahay infekshankaaga noociisa iyo waxa baaritaanka lagu arkay.

Waxaa kaniinigaan loo qaataa infekshanka uu keeno jeermiska Fangaska, kaasoo ku dhaco meelaha qaar sida cawrada oo kale, una badan dumarka, akhriso qoraal ku saabsan caabuqa cawrada ku dhaco uuna keeno fangaska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0)

Daawadaan maalinle ayaa loo qaataa hal jeer ama laba jeer si ay wax u tarto, ma garanayo sababta ay dhakhtaradda kuugu qortay usbuucii laba kiniini. midda kale haddii aad uur leedahayne daawadaan lama qaato, inta aad qaadanaysidne uur waa la iska ilaaliyaa.