Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on December 26, 2016, 07:53:00 PM

Title: Su'aal: Faa'iida da saliid macsarta?
Post by: Ashom on December 26, 2016, 07:53:00 PM
Sidaan horay usoo arag nay faa'iida da saliid macsarta
Oo aad u badan waxaa Ka mid ahaay
In xasaasiyada lagu daaweeyo
1:qaab kee ayaa loogu daaqeeyn karaa xasaaiyada ??
Maadaama ee saliid macsarta ee maqaarka Si sahlan ku gasho
2 : hadii LA marsho seedaha maxoojin kartaa?
Hadii "haa" tahay
 Xubinta taran Ka Maadaama ee seed tahay

Maxoojin kartaa ?
Thanks somalidoc.com
Title: Re: Su'aal: Faa'iida da saliid macsarta?
Post by: SomaliDoc on March 18, 2017, 03:28:10 PM
Macsartu waa saliid leh faa'idooyin badan, waxaan uga soo hadalnay qoraal gooni ah oo aad halkaan ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0)
Markii xasaasiyadda loo isticmaalayo waxay ku xiran tahay nuuca xasaasiyadda ku hayso, waxay badanaa waxtar u leedahay nuuca dhuunta, sanka iyo xabadka, waxaana la marsadaa sanka oo waa la jiidaa ama dhuunta ayaa la marsadaa ama caruurta yaryar waa lagu uumiyaa.

Midda kale, xubinta taranka ma ahan seed kaliya oo waxay ka kooban tahay muruq, xidido iyo neerfo. saliiduna waxtar uma lahan kobcinta ama adkaynta xubinta taranka, dad badan baa aaminsan in saliidaha la mariyo xubinta ama lagu daliigo inay xoojiyaan. laakiin taasi sax ma ahan maxaayeelay kicintaanka xubinta kuma xirna seedka ee waxay ku xiran tahay qulqulka dhiigga ee ku soo aruura markuu qofka dareen galo, murqaha way ka shaqeysiiyaan xubinta, seedkane wuu xejiyaa culeyska xubinta.