(http://www.somalidoc.com/images/Pregsom.jpg) | Dumarka oo dhan waa in laga baaraa cagaarshowga nooca B mar kasta oo ay uur yeeshaan. Xitaa hadii aadan lahayn calaamadaha lagu garto cudurka, waxaa dhici karta in aad qabto cagaarshowga nooca B. Hadii aad qabto cudurka, ilmahaaga ayaad u gudbin kartaa marka aad dhaleysid. Markaa ilmuhu wuxuu qabi doonaa cudurkaan halista ah inta uu nool yahay oo dhan. Muxuu yahay cagaarshowga nooca B? Cagaarshowga nooca B waa cudur ku dhaca beerka, ee uu sababo feyrus dhiiga raaca. Badanaa dadka qaba cudurka wax calaamado ah oo dhan kama muuqdaan, laakiin weli waa cudur side yaal. Dad kale ayey cudurka u gudbin karaan, iyagana waxaa laga yaabaa in ay mar danbe ku rido cudurada beerka ku dhaca sida cudurka cirrhosis (beerka oo nabaro yeesho) iyo kansarka beerka. Akhbaarta wanaagsani waxay tahay, in ilmahaaga si sahlan looga dhowri karo cudurka iyada oo la talaalayo, laga soo bilaabo marka uu dhasho. |