Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr Mahamed on June 07, 2016, 03:25:50 PM

Title: Su'aal: Qeybta danbe ee caloosha ay ku beegan yihiin kilyaha?
Post by: Mr Mahamed on June 07, 2016, 03:25:50 PM
asc ditoore aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida wanaagsan aad nooga jawaabtid su alaha markale waxaan ku leeyahay ramadaan kariim
su aasheyda waxay tahay mar walba ay ramaad  lagaaro waxaan dareemaa qeyta danbe ee caloosha ay ku beegan yihiin kilyaha canuun sida qof gym dheelay oo kale ay iixanuunaa owalna waxaan ahaa dadka biyaha aadka u canbo ma qaladbaa jiro mahad sanid ditoore
Title: Re: Su'aal: Qeybta danbe ee caloosha ay ku beegan yihiin kilyaha?
Post by: SomaliDoc on June 23, 2016, 12:29:12 PM
Biyo cabitaanka oo kugu yaraado way keentaa cadaadis ama raaxo darri kilyaha ah khaasatan haddii aad biyo horay u cabi jirta.
Iska ilaali in aad jimicsi ama howl culus samaysid adigoo soomaan, ku dadaal cabista biyaha caadiga ah iyo qaraha xilliga afurka iyo suxuurta.
Hadduu xanuun siyaado ah aad dareentid fadlan dhakhtar la xiriir si kaadida lagaaga baaro, kilyaha lagaaga saaro computer si loo ogaado inay cilladi jirto.