Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi Karim on January 29, 2008, 08:07:27 PM

Title: Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?
Post by: Abdi Karim on January 29, 2008, 08:07:27 PM
Salaam
Dhaman

Waxa jirto xanuun chest pain ah oo muddo 4 sano ah hayo wiil walalkey ah cunadisa iyo hurdadisa wa masha alah jirkisa waa iska nuurayaa  lakin xanunkas meel dheer ayuu ka tabanayaa mana la jiifo xanuunka bal Talo naga siiya arintas Dhaqtar weyn ma aanan tusin oo waaba iska yareestaa xanuunkuna waa meel dheer talo naga siiya arintan nagu fogaatay

mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Sidee ku kala sooci kartaa feero xanuunka?
Post by: Admin on January 29, 2008, 09:24:02 PM
(http://somalidoc.com/Topics/xabadxanuun.png)

Feero xanuunku waxaa keena cuduro badan, waxa lagu kala saaro waxaa ugu muhiimsan in qofka la waresto kadib la wiisiteeyo kadibne baaritaano loo diro.

Su'aalaha ugu muhiimsan oo ku saabsan xanuunka feeraha:
A- xanuunka uu dareemayo walaalkaa noociis? xanuunyada qofku uu ka dareemo feeraha way kala duwanyihiin waxa ay noqon karaan xanuun sidii adigoo midi lagugu modayo oo kale, xanuun sidii in culeys feeraha lagaa saaray oo kale, xanuun sidii inaad gudaha ka ololaysid oo kale, xanuun la socdo kababyo ama maqaarka oo midabkiisa is badala?.
Miyay jirtaa jug hada ka hor ka gaartay feeraha?
Xanuunka ma hal meel oo kamid ah feeraha miyuu ka dareemayaa mise feeraha oo dhan, hdii uu riixriixo feeraha ma dareemayaa?, wax uu sameeyo miyaa jira si xanuunka uu iskaga yareyo ama wax haduu sameeyo xanuunka ku siyaadiya (sida qufaca, neefsashada qoto dheer IWM).

B- Xanuunkaasi calamadahaan mid kamid ah miyaa la socdo, neefsashada oo dhibta ama naqaska uu ku xirma mar mara?, qufac (haduu jiro ma qufac qalalan, haduu qoyanyahay ma dhiig ayaa la socdo), daalid badan ma isku arkay haduu shaqo culus qabto? Qof sigaar cab miyuu yahay? xanuunka ma wuxuu xiriir la leeyahay cunto cunida sida cuntada dufanka leh oo kale, daacsi badan oo la socda miyaa jira?

Feera xanuunku wuxuu ka imaan karaa, wadnaha, sanbabada, lafaha feeraha, maqaarka, cuno mareenka iyo xididada gudaha ku jira sidaa darteed in bukaanku uu ka bixiyo warbixin dhameestiran waa waajib inta aan baaritaan lagu sameynin.

Maadaama adiga aad sheegtay in feera xanuunka uu 4 sano hayay walaalkaa,  oo uu noqday (Chronic) waa inaa su'aalahaan weydiisaa oo ku saabsan cudurada keena feera xanuunka waqtiga dheer soo jiitamayay:

1- Neefsashada miyaa ku dhibta?
Haa: -> Ugudub su'aasha 6-aad
Maya: ->
2- Feeraha ma waxay kaa xanuunaan lafta dhaxda ku taala geesaheeda, xanuunkane maka sii daraa markaa qufacdo ama neefsasho qoto dheer qaadatid?
Haa: -> waxaa ku haya (Costochondritis (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5150.0.html)) oo ah kalabaxyada yaryar ee feeraha isku haya ayaa jiran taasina badanaa way iska baab'adaa lakin hadii ay baabi' wayso waxaa lagu daaweeyaa (Anti-inflammatory drugs), la xiriir dhakhtar si daawada kuugu qoro.
Maya: ->
3- Jimicsiga, walwalka ama kuleelka siyaadada ah makuu keenaa inaa dareento culeys kaa saaran lefta dhexe ee feerta?
Haa: -> Wadnaha ayuu la xiriiraa xanuunkaas (Angina (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,668.0.html)), la xiriir dhakhtaarkaaga si baritaano laguugu sameeyo.
Maya: ->
4- Markaa ka gadharagto cunto weliba dufanku ku badanyahay maka dareentaa xanuun feeraha hoostooda weliba dhinaca midig?
Haa: -> xanuunka waxaa laga yaabaa inuu xiriir la leeyahay xamiitada (gall bladder) (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html), ka fogow cuntada dufanta leh, dhakhtar u tag si uu kuu wiisiteeyo kuuna baaro.
Maya:->
5- Maka dareentaa olol feerahaaga oo xiriir la leh cunto qaadashada, kaasoo ka sii dara saacado kadib?
Haa: -> gaastiriko ayey u badantahay (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html), cun cunto yar (iska ilaali dharagta), ka fogow wixii dufan leh, qaado daawoyinka gaaska dajiya, marka aad jiifanaysid laba barkin isi saaro, hadii intaas ay xanuunku ku baabi' waayo dhakhtar u tag.
Maya: ->
6- Ma leedahay xiiq marka aad neefsanayso ama qufac joogto ah?
Haa: -> waxa ku haya Neef (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html) ayey u badanyihiin, dhakhtar u tag, neeftu waa cudur la daaweyn karo lakin qatar noqon kara.
Maya: ->
7- Ma daremeysaa culeys kaa saaran feeraha iyo qufac wata xab badan oo kaa dhamaaneyn?
Haa: -> Waa burunkiito (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,436.0.html) joogto ah weliba hadii aad sigaar cabto, jooji sigaar cabida, dhakhtar arag.
Maya: ->
8- Ma isku aragtay qufac yaryar, neefsashada uu ku dhibta marba marka ka dambeeya sii siyaadaya, adigane sigaarya cab aad ahaan jirtay ama ka shaqeeya meel qiiq iyo boor leh?
Haa: -> waxaa laga yaabaa inaa ka jirantahay marainada hawada ee sanbabada (emphysema (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1408.0.html)), jooji sigaar cabida, ka fogow qiiqa iyo boorka dhakhtar u tag.
Maya: ->
9- Ma leedahay qandho (xumad), jarayn ama dhidid habeenkii ah ama ma qufaceysaa muddo ka badan usbuuc?
Haa: ->Tiibisho (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html) ayaan kaaga shakisanahay ee dhakhtar si dhakhso ah ugu tag.
Maya: -> Hadii aadan intaan qabin waxaan kula dardaarmayaa walaalkaa inuu sameeyo baaritaan dhinaca feeraha, raajo xitaa aad ayey muhiim u tahay maxaa yeelay feera xanuunku waa calaamad tilmaamaysa cuduro badan in la yareesta aan ku habooneyn.

Hadii aad qabto su'aalo kale, ku soo gubdi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Chest pain more than 4yrs
Post by: Waxbaro! on January 30, 2008, 02:32:49 AM
Walaalkaa allaha caafiyo saxiib.
Waxaana aad ugu faraxsanahay sida habaysan ee uu kaaga jawaabay dr.mahdi, lakin waxaan kaloo ku darayaa xanuunka marka uu bilaabanayay iyo sida uu ku bilawday iyadane waa muhiim, teeda kale xanuunku inuu ahaa mid aan is badalayn oo joogto ah ama mararka qaar uu dareemo kaliya?

Waxaana ku waafaqsanahay saxibkey mahdi, in aad warbixin dheer naga siisid mushkilada walaalkaa inkastoo jawaabaha aad ka bixin laheed su'aalaha lagaaga sii jawaabay.

Su'aal ka baxsan mawduuca: intee in la eg oo somali ah ayaa ku nool dalka Zambia, waxne malaga bartaa??
Waxbaro!