Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaaficifalcoa on April 27, 2016, 05:13:38 PM

Title: Su'aal: Buradu ma tahay wax sida aan ka maqlay dadka?
Post by: Shaaficifalcoa on April 27, 2016, 05:13:38 PM
Asc somalodocs waxaan qaba suaaal ah maxaa u dhexeeya buro iyo bar.
buradu ma tahay wax sida aan ka maqlay dadka caafimaadka barta in buradu bahalo dhexdeeda ku jiraan.
maxayse tahay burada la dhaho buro bahaleed oo dadka ka soo baxda calaalaha sidaan ku maqli jirayna markaan yaraa markay kaa soo.baxdo ayaa la dhahayaa bisha oo dhalatay galab ayaa gacanta loo jeediyaa ama raad dhurwaa ayaa la saaraa kadibna waa kaa bi'in waxayna tahay khuraafaad maxaa ka jira arinkaaas.
mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Buradu ma tahay wax sida aan ka maqlay dadka?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2016, 09:15:42 PM
Arrintaasi waa khuraafaat, burada kuma dhex jiraan bahalo nool, waa haddii aan isla fahansannahay waxa burada laga wado.
Buradu waa kuus ka soo dul baxa qeyb jirka ka mid ah, waxay noqon kartaa hilib ama dheecaan, waxay noqon kartaa kansar.
Akhriso qoraal ku saabsan arintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=484.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=484.0)