Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maizah B on January 03, 2016, 01:55:19 AM

Title: Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?
Post by: Maizah B on January 03, 2016, 01:55:19 AM
Ascwrwb gabar walashey aya cadada ama period Ka marku ku dhaco wax dhiig ah kama imado marka hore lee qoyan dareenta wana gabar ila mudo ayay saan tahay, maxaa keni karo ama lagu daweyn karaa? shukran
Title: Re: Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?
Post by: SomaliDoc on January 13, 2016, 01:48:41 PM
(http://somalidoc.com/Topics/caadodhiiglaawe.png)

Majiirka mindhicirada ma cadaadiska laga dareemo dhinacyada caloosha qeybteeda hoose waa astaanta ugu horeyso ee ay dareentu haweenta marka ay filanayso caadada, haddii ay xanuun dareento haweenta, xilligii caadadane lagu jiro hadane ay arki wayso wax dhiiig ah waa in ay la xiriirtaa dhakhtar si loo ogaado asbaabahaan soo socdo mid ka mid ah.

Haddii ay haweentu aysan uur filanaynin ama aysan dhalmo-goys ahayn, waxaa keeni karo cilladahaan waxyaabahaan hoos ku tixan:

Waxyaabo badan ayaa lagu qaldi karaa xanuunka aa dareemayso inuu xiriir la leeyahay caadada iyo in kale sida in ay cillad ka jirto mindhicirrada ama xanuuno kale oo saameyn ku leh kontoroolidda caadada ama aad qaadato daawooyin keeni kara caado dhiig la'aan ah.

Haddii aad isku aragtay caado dhiig la'aan ah oo soo noqnoqotay waa muhiim in aad dhakhtar la kulantaa.

Akhriso Caado Wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html)
Akhriso Caadada xad dhaafka ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4157.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4157.0.html)
Akhriso Xanuunka caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)