Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cige Aar on November 17, 2016, 10:30:27 AM
-
Asc doc waxan ahay nin dhalinyaro ah oo 23 jir ah k joogana dalkii somalia waxan rajaynayaa inan dhawan guursado waxaan ka walwalsanahay awoooda tuurista biyahayga , tusale ahan markaan gacantayda isticmaalayo (siigaysanayo) inkastoon joojiyay halkay biyu kaboodi lahaayee geedka ayuunbay hoos u raacaan oo ku dareeraan.
Suaashaydu waxay tahay hadii awooda tuuristadu lidato samayn maku yeelanaysaa uraynta
Hadii ay samaamayn jirto siday u saamaynaysaa waxaan rabaa faahfaahin dheeradah .
Waxaa igu dhacay xanuunka depressionka sanadka hor ilahay xamdigii waan ka bogsaday anoon wax daawo ah u qaadan haba yaraatee, sidoo kale waxaan dhawr jeer oo aan badnayn isticmaalay gacanta(siigo) laakiin hada waan joojiyay. Malaga yaaba in ay keenen ciladaas aan kor ku sheegay xanuunkas iyo siigadu?
Ciladan waxan ku dareemay markaan siigaysanyo inkastoon joojiyay , ma isku mid baa awooda tuurista biyuhu markaad gacanta isticmalayso iyo markaad xaaska u tagayso?
Malaga yaaba in ciladan iska dabiici tahay oo raga qaarna awoodooda tuuristu xoogan tahay ragna daciiftahay?
Wad mahadsan tihiin wll waxan rajaynaya inaad suaal faahfaahsan oo waafi ah iga siin doontaan
-
Awood tuurista biyaha waxyaabo badan ayaa badali karo, waxaa ka mid ah dareenka iyo caaboonaanta qofka, biyaha laftirkooda inay adag yihiin iyo inay khafiif yihiin, caafimaadka guud ee qofka sida nafaqada, nasashada iyo dareenka guud.
Siigeysashada waxay ka mid tahay waxyaabaha hammiga yareeyo iyo awood tuurista biyaha laakiin isku mid ma ahan markaa gacantaada adeegsanayso iyo markaa xaaskaaga u tagaysid.
Xaaskaaga uur way yeelan kartaa haddii biyaha aadan tuuri karin xittaa, mana ahan wax rag qaarkiis ay gaar u tahay, mana ahan in aad sidaan ahaan doontid weligaa, xaaladda markaas aad ku sugan tahay ayay ku xiran tahay.
Laakiin fadlan ka digtoonow siigeysiga, caafimaadka wuu u daran yahay, akhriso qoraal hore oo aan kaga hadalnay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html)