Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan Bile on March 14, 2011, 01:14:23 PM

Title: Su'aal: Xanuun Daran oo Naasaha dhalmada ka dib?
Post by: Hassan Bile on March 14, 2011, 01:14:23 PM
Xaaskeyga Markasta oo umusho waxey ka xanuunsataa Naasaha, weli hal naas ayaa aad u xanuuna qandho badana ku qabta da' kasta halkaas naas baa u daran, marmarna ibta ayaa bukata hadii ay ka deyso nuujinta cunuga inta ibtu jirantahay naaska ayaa guraya, marka maxaa keena xanuunadan laguna xalin karaa

hadi la dhihi lahaa waa caano ka batey su;aashu waxey noqon karta hal naas maxaa ku soo celceliya kaligiis, kan kale lama qabo, waqtiyada kale wey fiicantahay dhib kuma qabto.

Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Xanuun Daran oo Naasaha dhalmada ka dib?
Post by: SomaliDoc on March 14, 2011, 09:32:06 PM
Naasa xanuunka dhalmada ka dib waa dhibaato badanaa dhacdo taasoo ka dhalato in naasaha ay ka buuxsamaan caano 3-5 maalmood ka dib umusha waxana ay noqon doonaa kuwo adag oo xanuun leh, marmarka qaarkoodne way da'aan.

Labada naasood way u kala nugul lahaan karaan xanuunka ku dhaco naasaha maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in ay isku qaab usamaysnayn marinnada ay soo maraan caanaha taasoo keensan karto in hal naas uu xanuunka uu joogteeyo markasta oo hooyadu dhasho.

Naasaha way caabuqi karaan oo ibta ayaa laga qaban karaa waxaana la yiraahdaa markaas "Cabeebka Ibita Naaska" waxaad ka akhrisan kartaa halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html)

Hooyadu waxay u baahantahay daryeel u gaar ah khaas ahaan naasaheeda haddii ay isku ogtahay in ay qabto xanuunkaan.

Haddii ay hooyadu dareento xanuun naasaha ah ama ay ku xirmaan caanaha waa in hooyadu ay marnaba aysan joojin naasnuujinta maxaa yeelay haddii ay naasnuujinta ay joojiso xanuunka wuu ka sii darayaa illaa ay caanaha ay ku malaxoobaan naaska gudihiisa.

Waa in ay naasnuujinta waddaa ama la lisaa inkastoo ay hooyooyinka ay aaminsanyihiin in ay naasnuujinta joojiyaan haddii ay naasaha xanuunaan saasna ay moodaan in ay ku raysanayaan.

Inta naaska la lisayo ma gurayo xanuunkane wuu ka yaraanayaa, haddii ay cabeen tahayne waxa ibtia ku dhacay ama caabuq naaseed ay tahayne waa in daawo laga siiyaa.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan "Daryeelka Dhalmada Ka Dib"
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,624.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,624.html)