Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan45 on September 19, 2015, 01:33:28 PM

Title: Su'aal: Waxaa in muddo labo sano ah isku arkay dhago culays?
Post by: Hassan45 on September 19, 2015, 01:33:28 PM
asc doctor wxaan ahay wiil dhalinyaro ah wxaan in muddo labo sano ah isku arkay dhago culays macnaha hadalka dadka si fiican uma maqlo dhaguhu ima xanuunaan dheecana igama yimaado lkn habeenkii guux ayaan ka seexan kari waayaa sankuna uu i cabudhsan yahay mar kasta waliba aroortii markaan tooso ayaan xoog u dareemaa cabudhkaas wxaan u tagay dhakhtar ENT ah dabadeed wuxuu igu yidhi oxygen tii loogu talo galay inay dhagaha gaadho ayaan si fiican u gaadhin wuxuu ii soo qoray saliid saytuun sanka lagu shubo iyo dawo la yidhaahdo Decozal oo ah metered Dose nasal spray wxuuna igu yidhi wxaad u baahan tahay operation we
dawooyinkaa sii isticmaal intaan qaliinka u soo diyaar galoobayso lkn dawooyinku kuma dawaynayaan ee wxay kaa ilaalinayaan inay dhaguhu ku sii cuslaadaan fadlan dhigtoor ii ma sheegin xanuunka i haya wax uu yahay lkn information buuxana ama aan ku qanco ima siin fadlan isii adigu information buuxa waxa la yidhaahdo xanuunka waxa cause gareeya xanuunkan iyo sida ugu haboon een isku daawayn Karo OK thanks I will wait you
Title: Re: Su'aal: Waxaa in muddo labo sano ah isku arkay dhago culays?
Post by: SomaliDoc on September 22, 2015, 01:36:10 PM
Cilladaadu waa culeys xaga maqalka oo ka dhashay cabur ama xanibnaan sanka ama sanqada ka socdo, waxaana keeni karo dhowr shay oo badanaa daawooyinkoodu qalliin yahay.
Waxaa ka mid ah, hadduu sanka hilib ku yaallo, hadduu caabuq sanqada ee raagay uu jiro ama haddii wasakh ama dareer ku xirantay sanqada.
Waxayna badanaa u badan tahay cillad sanqada ka socoto" Sinus infection or Sinus blockage.

Halkaan ka akhriso qoraalo la xiriiro xanuunadaas:
1- Hilibka ama cadka sanka "Nasal Polyp": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5630.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5630.0.html)
2- Dhego cuslaan "hearing loss": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,417.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,417.0.html)
3- Dhego guux "tinnitus": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html)
4- Caabuqa sanqada "Sinusitis": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html)

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama su'aalo kale aad qabtid waad i soo waydiin kartaa.
F.G: Mida kale waa muhiim in aad caafimaadkaaga wixii ku saabsan aad fahantid waxaadna xaq u leedahay in safiican dhakhtarkaagu uu kuugu sharxo haddii aysan jirid cillad xaga luqada ah.