Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdiqadir on October 19, 2015, 08:28:01 PM

Title: Su'aal: Dhididka badan iyo Ukunta?
Post by: Abdiqadir on October 19, 2015, 08:28:01 PM
hadaan ukunta cuno waxaan yeeshaa maalintaa dhidid badan (kilokilooyinka iyo dhabarka oo aad u qoya) markaa energi miyaa lagu yeeshaa maxaase ugu wacan dhididka badan caafimaad daro ma noqon karaa?
Title: Re: Su'aal: Dhididka badan iyo Ukunta?
Post by: SomaliDoc on October 24, 2015, 05:45:25 PM
Inkastoo ay jiraan dad aad u dhidida markii ay cunno cunaan laakii waxaa jira dad gooni ah oo aad ugu sii dhidida cunnooyinka borotiinku ku badan yahay sida ukunta, yaanyada, hilibka, waxyaabaha fitamiin C-da ku jirto sida bambeelmada.

Haddii dhidid kaliya aad dareento wax dhib ah ma lahan, laakiin haddii aad dareento wareer ama cuncun jirka ah, waxaa dhici karto in ay tahay astaan xasaasiyad proteinka ukunta in aad qabtid ee iska jooji.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay la xiriir dhakhtarkaaga.