Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on December 15, 2007, 03:17:59 PM

Title: Cuna Xanuun (Sore Throat)
Post by: SomaliDoc on December 15, 2007, 03:17:59 PM
Cuna xanuun waa cune barara ama xanuun hayo. Calaamadaha waxaa ka mid ah xanuun marka wax la laqayo, qandho iyo barar gala qanjirrada qoorta.

Sababaha
Cuna xanuun waxaa laga yaabaa iney keento:
# Jirro fayras sida hergeb ama ifilo badanaa socota 5-7 maalmood. Ma jiraan antibiyootiko lagu daaweyn karo fayraska.
# Cudur bakteeriyo sida strep-ta cunaha oo lagu daaweyn karo antibiyootiko.
# Sigaar cabid.
# Qaylin ama codka oo xidhma.
# Xajiin ama cuncun.
# Ku neefsashada neef kiimiko.

Daryeelkaaga
Abuurka cunaha ayaa laga yaabaa in la sameeyo. Haddii aad qabto cudur bakteeriyo keentay, antibiyootik ayaa lagu siin doonaa. qaado dhammaan kaniiniyada ilaa uu kaa tago cuna xanuunku. Ha joojin qaadashada markaad is tiraahdo waad fiicnaatay.
Waxyaabaha kale ee laga yaabo iney kugu caawiyaan inaad ka soo rayso waxaa ka mida ah:
# Ku luqluqo biyo diirran oo cusbo leh. Isku qas ΒΌ qaaddo oo cusbo ah iyo 1 koob oo biyo ah.
# Isticmaal lozenges-ta cunaha ama daawada buufinta cuna xanuunka.
# Isticmaal daawada qufaca.
# Ka fogow sigaar cabid, aalkolo, qaxwo, iyo cunto kulul ama basbaas leh.
# Takhtarkaaga ula soco sidii uu ku faray.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii:
# Dhibaato ku qabto neefsashada
# Ay ku hayso qandho ka sarreysa 101 darajo F ama 38 darajo C
# Finiinicyo kaa soo baxaan
# Aadan ku bogsan 5 maalmood
# Uu afku gudaha kaa bararo
# Aadan awoodin inaad afka kala furto

SomaliDoc