Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gantaal on October 29, 2011, 01:18:36 PM
-
walaal marka hore waan idin salaamay salaan kadib walaal hooyadey oo waa yeel ah ayaa waxa ay kacabnaysaa wareer aad moodo in uu dhulku ilaweegayo isla markaana aymatag lasoobdo hadana ay iska raysato waxaana ku aragnay laba jeer mudo sanad ah waxaa udhaxaysay ilaa 7 bilood marka walaal aritaa maxaa keeno maxaanse kula tacaalaa waan mahad santihiin illaahay miisaanka xasanaadka ha idiin saaro camalka aad haysaan ee khayrka ah
-
Ayeeyo allaha caafiyo...
Wareer ku yimaado dadka waayeellada waa u badan yahay wuxuu noqon karaa mid la xiriiro da'da, cadaadiska dhiiga ama cillad kalaba..
Waxaa habboon qof waayeel ah oo wareerayo in aad takhtar u geysaan si baaritaan loogu sameeyo, cudurrada qaar oo halis ah waxay leeyihin kaliya wareer sida burooyinka ka soo baxo meelo ka mid ah maskaxda, haddii waqti hore la ogaadane wax laga qaban karo...
Fadlan la xiriirsii takhtar si loo baaro,,,,,