Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on February 21, 2012, 02:12:09 PM

Title: Su'aal: Qoraxda Oo La Isku Dhigdhigo, Ma U Daawaa Lafa Xanuunka?
Post by: CilmiSabca on February 21, 2012, 02:12:09 PM
As salaamu caleykum wa raxma tu laahi wa barakaatuhu. Salaan ka dib.
Dhakhtar, marka uu qof qabo xanuun dhinaca lafaha ah oo uu kici waayo (caajis dartiis) in uu Cadceedda (qoraxda, the sun) seexdo ama fadhiisto in muddo ah maalin ama maalmo iyo waqtiyo gaar gaar ah sida; galabta ama barqada oo kale, ma u daawaa xanuunkaas in uu baaba'o? Qoraxduse raad ceynkee ah bey ku yeelan kartaa qofka isku dhigdhiga isagoo isku daaweyn ula jeeda?...
Waad wada mahadsan tihiinba. Wabilaahi Towfiiq, wa salaamu caleykum wa raxma tul laahi wa barakaatuhu.
Title: Re: Su'aal: Qoraxda Oo La Isku Dhigdhigo, Ma U Daawaa Lafa Xanuunka?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 12:54:25 PM
Hadduu qofka uu ku nool yahay dhul qabow oo ay ku yartahay ileyska qoraxda, waxaa laga yaabaa in jirkiisa uu baahi u qabo.

Dadka qabo Lafa-jileeca, Gedefka iyo Riixaba waxay faaido ka helaan ileyska qoraxda.

Dadka jirkooda ku yaryahay fitamiin D-ga iyagane si aad ah ayay uga faaidaan qoraxda, waana lagula taliyaa, khaas ahaan caruurta in qoraxda loo soo bixiyo intay yaryihiin waa caafimaad asaasi ah.

Laakiin qofka hadduu qabo dhibaato kale oo intaa dhaafsiisan uu dareemayo sida qandho, qarqaryo IWM waxaa laga yaabaa in uu xanuun kale ka cabanayo markaasne waa in uu la xiriiraa takhtar.