Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on February 16, 2017, 02:20:53 PM

Title: Su'aal: Diif dhiig wata oo aroorta la siimiyo?
Post by: Abdi21 on February 16, 2017, 02:20:53 PM
asc dr waan kaaga mahad celinaa sida aad isugu xil qaday umadada dr waxan isku arka aroortii markaan kakaco hurdada inaan siimiyo diif uu dhiig yar la socdo gaar ahaan xiliga winterka sidoo kale waxan qabaa asthma iyo sanboor bal iga jaahil bixi khayr alle haku siiyee mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Diif dhiig wata oo aroorta la siimiyo?
Post by: SomaliDoc on May 22, 2017, 11:13:17 AM
Cilladaan waxay la socotaa xanuunka sinusites-ka, waxaana keeno laba arrin mid:
1- In xilliyada qaboobaha ee hawadu qallalan tahay, weliba aad dhex jiigtid guri heater ku shidan yahay in xuubka gudaha sanka uu dildillaaco hawado qallalan darteed, taasina waxaad subixii siiminaysaa dhiig fresh ah.
2- Hadduu cilladda sinusites-ka ay kugu kacsan tahay oo uu cabbur iyo waji xanuun la socdo in duufka ku xirmo, taasoo subaxii iyadana la siimin karo duuf wato dhiig.

Waxaa lagu xallin karaa inaad afka wajiga daboolatid markaad jiifanaysid ama saliid macsaro ama xabad sawdo aad sanka dulkiisa marsatid markaad jiifsanaysid waa haddii cilladdu ay ka dhalatay hawada qallalan, haddiise ay tahay caabuqa sanqada waa in aad qaadatid daawo qallajiye ah iyo cabbur-dile si aad uga reysatid xanuunkaas.