Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ramliina on August 05, 2015, 12:48:56 PM

Title: Su'aal: Qalliin ka dib uurka waan ka cabsadaa?
Post by: Ramliina on August 05, 2015, 12:48:56 PM
salaam Admin...
waxaan aad u xiiseynayaa topic gan waxaan ka qabaa su`aal

15 sano ka hor ayaa waxaa layga qalay xanuunkaan,waxaa laygu qalay meel aan adeeg caafimaat oo casri ah oolin  waxaa lay qalay qaabka halka qaliin ee dhararka Alhamdulilaah aad baan u caafimat qabaa oo wax xanuun ah ma dareemo  marka laga reebo caloosha dhanka midigta xigta oo xudunta u dhow aan ka dareemo wax yar mar marka qaar .. waxaan ka cabsadaa uurka maadaama meeshaas yar layga qabto mar marka qaar lamana xariirin dhakhtar ka danbeeyay kuwii i qalay barigaas oo aan ahaa 10sano jir

wax saameyn ah maku leedahay arintaas Uuurka
mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Qalliin ka dib uurka waan ka cabsadaa?
Post by: SomaliDoc on August 06, 2015, 03:59:32 PM
Ramliina, muxuu ahaa xanuunka lagaa qalay? Su'aashaada kuma tilmaamin xanuunka lagaa qalay?
Midda kale 15 sano maadaama laga joogo qalliinka, wax uur ah horay ma u qaadin miyaa qalliinka ka dib?
Title: Re: Su'aal: Qalliin ka dib uurka waan ka cabsadaa?
Post by: Ramliina on October 05, 2015, 12:14:56 PM
waxaa layga qalay qabsin , anoo yar 15 sano ka hor mana guursan wali Dr.
Title: Re: Su'aal: Qalliin ka dib uurka waan ka cabsadaa?
Post by: SomaliDoc on October 05, 2015, 01:01:12 PM
Hadduu qabsin ahaa wax saameyn ah kuma lahan uurka ee haka cabsan.